30- December-2023
壯陽藥
Dowladda UK ayaa so dhaweysay warmurtiyeedkii ay si wadajir ah u soo saareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo ku saabsanaa shirkii Djibouti ee dardargelinta Wadahadallada labadal dhinac.
Qoraal kooban ay soo saartay safaaradda Uk ee Soomaaliya ayaa lagu yiri:
“Waxaan soo dhawaynaynaa war-murtiyeedkii ay ku heshiiyeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ka dib wada-hadallo muhiim ah oo dhex maray, waana tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhinaca dib u heshiisiinta.“
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo saaray Xalay warmurtiyeed oo ka koobnaa 8 qodob, kuwaas oo taabanaya dhinacyo kala duwan, ujeedkeeduna ahaa in la dardargeliyo wadahadallada.