In ka badan 500 oo qaxooti ah ayaa soo gaaray dalka Talyaaniga iyadoo maraakiibta gurmadka ay ku soo xirteen

11″ December “2022” Aljazeera Reuters

Ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegaya in go’aanka loogu oggolaaday in labada markab ay ku soo xirtaan uu salka ku hayo cimilada oo liidata iyo qatarta soo wajahday dadkii saarnaa.

Talyaaniga, oo wacad ku maray in uu saf adag ka geli doono socdaalka, ayaa qaatay in ka badan 500 oo qaxooti ah iyadoo labo markab oo samatabbixin ah loo ogolaaday in ay ku soo xirtaan dekado ku yaalla koonfurta ka dib markii ay dhowr maalmood badda ku jireen cimilo xun.

Markabka Geo Barents, oo ay maamusho hay’adda samafalka ee Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (Medecins Sans Frontieres, ama MSF) oo ay saarnaayeen 248 qaxooti ah, ayaa Axaddii soo gaaray Salerno ee gobolka Koonfur-galbeed ee Campania, MSF ayaa tiri.

Geesta kale, markab kale oo samatabbixin ah oo ay wadato hay’adda SOS Humanity ee dalka, ayaa ku soo xirtay dekedda magaalada Bari, kadib markii maamulka Talyaanigu oggolaaday in la fasaxo.

https://twitter.com/BoodhariFarah/sta犀利士 tus/1601967574992195584?t=bl6wCgG9o39U03ASGjPhYA&s=19

Safarka ayaa ahaa mid aad u adag, waxaana markabka uu wajahay mowjado sare oo 3-mitir ah iyo dabeylo xooggan, SOS Humanity ayaa ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka, iyadoo xaqiijisay imaatinka 261 qaxoonti ah.

Sida looga jawaabo codsiyada gargaarka ee doonyaha samafalka ee ka soo qaada muhaajiriinta iyo qaxootiga badda Mediterranean-ka ayaa caqabad ku ah dowladda cusub ee garabka midig ee Talyaaniga ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni.

Xiisad ayaa ka dhalatay dalka ay dariska yihiin ee Faransiiska bishii hore ka dib markii Faransiisku ay raaceen dooni uu Talyaanigu ka celiyay.

Ilaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegay in go’aanka loogu oggolaaday in labada markab ay ku soo xirtaan uu salka ku hayo jawiga cimilada oo liita iyo khataraha ay la kulmaan dadka saaran markabka, halkii ay ka dhigan lahaayeen isbeddel siyaasadeed.

Waxa ay ku eedaysay maraakiibta samafalka in ay u fududeeyeen dadka soo galootiga ah ee dhaqaalaha soo gala si ay u gaaraan Talyaaniga oo ay ku ciyaaraan gacanta dadka wax tahriibiya.

Wasaaraddu waxay ka shaqaynaysay xeerar cusub oo lagu ilaalinayo xuduudaha Talyaaniga laguna joojinayo dadka wax tahriibiya, ilo-wareedyada ayaa yidhi.

Leave a Reply