Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
12- September-2023- News Agencies
Waxa jira sheekoo naxdin leh oo ku saabsan badbaadada oo ka soo baxaysa magaalada Derna, ee bariga Libya halkaas oo roobab mahiigaan ah oo da,ay ay ka dillaaceen laba biyo-xireen oo soo diray daadad dadkii magaalada ku wargaliyay dhimashada tiro laysku khilaafsan yahay oo qaarkood gaarsiinaya in ka badan 5,000 oo qof, halka kuwa kale oo tiradaas qilaafsan ay sheegayaan 2,300 oo qof laakiin maqnaashaha 10,000 oo qof oo uu daadku la tagey waxaa soo raaca iyo burbur baaxad leh
Safiya Mustafa oo ah hooyo dhashay labo wiil ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay in ay ku guuleysteen in ay ka cararaan gurigooda ka hor inta uusan dumin dhismaha. Saqafka ayay fuuleen oo waxay u gudbeen meelo dariska ah si ay uga baxsadaan. Wiilkeeda, Obai, oo 10 jir ah, ayaa sheegay inuu Ilaahay uga baryayo badbaadada.
Saliha Abu Bakar, oo ah qareen, ayaa sheegtay in biyuhu si deg deg ah u soo galeen dhismahooda, iyagoo ku dhawaaday inay gaaraan saqafka sare ee gurigeeda oo ku yaal dabaqa saddexaad. Waxa ay dareentay in saddex saacadood ah, waxa ay haysay gabal alaabta guriga ah oo ay isku dayday in ay sii sabbayso.
Kadib markii ay biyihii daadku gureen, iyada iyo labadeeda gabdhood ayaa u suurtagashay in ay ka baxaan dhismaha, balse wax yar ka dib waxa uu dumay iyada oo meydka hooyadeed uu gudaha ku jiro.
Meydadka dhibanayaasha daadadka ayaa la dhigay xabaal wadareed ku yaal magaalada Derna
Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka fadhigeedu yahay bariga Liibiya ayaa sheegtay in in ka badan 5,000 oo qof ay ku dhinteen daadad waxyeello geystay oo ay geysatay Storm Daniel.
Qof ka badbaaday daadka Derna ayaa sheegay inuu maqlay qarax xilli habeen ah. Wuxuu aaminsan yahay inay ahayd dhawaqa biyaxireenka u dhow oo dilaacay.
“Markii hore waxaan moodaynay inuu ahaa roob xooggan laakiin saqdii dhexe waxaan maqalnay qarax weyn, wuxuuna ahaa biyo xireenka oo qarxay,” ayuu yiri Raja Sassi.
Waxa uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu ka badbaaday daadka isaga iyo xaaskiisa iyo inantiisa yar ka dib markii ay biyuhu gaadheen dabaqa sare ee gurigooda, balse qoyskiisa intiisa kale ay dhinteen.
Baaxadda burburka ayaa soo shaac baxaysa iyadoo gargaar ay billaabeen inay gaaraan Liibiya. Waa tan waxa aan ilaa hadda ognahay:
Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka fadhigeedu yahay bariga Liibiya ayaa sheegtay in in ka badan 5,000 oo qof ay ku dhinteen daadadka waxyeellada geystay ee magaalada Daniel iyadoo warbaahintu sheegeyso in Roobab mahiigaan ah ee ka da’ay dalka Liibiya, ayaa dileen in ka badan 2,300 oo qof ay ku dhinteen
Qiyaasaha ayaa sheegaya in ka badan 10,000 oo qof la la’yahay
Qaybo ka mid ah magaalada dekedda ah ee Derna ayaa dhulka la simay ka dib markii roobab ay sababeen in ay dumaan laba biyo xidheeno waxayna soo direen biyo aad u badan oo Sunaami ah oo waxyeello u geystay magaalada.
In ka badan 1,000 meyd ah ayaa laga soo saaray magaalada Derna oo kaliya, waxaana qeyb weyn oo magaalada ka mid ah la galiyay badda.
Wax ka qabashada musiibada ayaa lagu dhaleeceeyay inay aad uga gaabisay sababo la xiriira laba dowladood oo is haya oo xukunka ku loolamayay in ka badan toban sano.
Gargaarka ayaa laga soo diray Masar, Iran, Turkiga, Aljeeriya, Talyaaniga iyo Imaaraadka