18″ February “2023”
In ka badan 60,000 oo Soomaali ah, oo u badan haween iyo carruur, ayaa u qaxay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, si ay uga baxsadaan iska horimaadyo iyo falal ammaan darro oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Haweenka ayaa u sheegay shaqaalaha UNHCR, Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, in ay iibiyeen alaabtooda, si ay u bixiyaan kharashka gaadiidka, si ay u gaaraan goobaha badqabka leh.
壯陽藥Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay ku waayeen dad ay jeclaayeen isku dhacyada, ama waxay kala tageen markii ay soo amba baxeen.
Qoysasku ayaa waxay si ku meel gaar ah u degeen in ka badan 13 goobood, oo ka tirsan magaalooyinka Bookh, Galxamur iyo Danot Woredasiin, ee aagga Doolo ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Aag aad u fog oo joogitaanka bini’aadantinimo xaddidan yahay, bulshooyinka deegaanka ee Doollo, ayaa si deeqsinimo leh u soo dhaweeyay qaxootiga, iyaga oo la wadaagaya wixii agab ah ee ay haystaan.
Laakiin caawinta, ayaa si degdeg ah u sii yaraanaysa, iyadoo celcelis ahaan 1,000 qof ay u gudbayaan Itoobiya inteeda kale maalin waliba.
Qoxootigan ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay qaar ka mid ah deegaannada dalka Itoobiya, ee ay sida daran u saameysay abaarta iyo saameynta isbedelka cimilada, kaddib shan xilli oo roobaad oo xiriir ah oo aanu roob da’in, iyadoo badarka iyo waxa la heli karayo ay aad u yaraadeen.
Ikhtiyaarada xaddidan, qoysas badan oo qaxooti dhawaan yimid, ayaa maciin biday inay gabaad ka dhigtaan dugsiyada iyo dhismayaasha kale ee dadweynaha, halka kuwa kalena aysan haysan wax kale oo aan ahayn in ay bannaanka seexdaan.
Kuwo badan ayaa si degdeg ah ugu baahan taageero cunto iyo nafaqo kalaba, biyo iyo tas-hiilaad fayadhowr, iyo sidoo kale taageero gaar ah oo looggu talagalay dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Somalialnd oo sheegtay in ciidamadeedu ay la wareegeen inta badan gacan ku heynta magaalada Laascaanood
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay xaalada Magaalada Laascaanood ayaa sheegtay in ay degan tahay isla markaanna Gudoomiyaha gobalka Sool, shaqadiisa ka bilaabay xaafiiskiisa Laascaanod.
Taliyaha ciidanka Somaliland Nuux Ciise Taani ayaa sheegay in ay magaalada la wareegeen oo ay kooxo Argagixiso goobo-yar kaga sugan yihiin, kuwaas oo halis ku ah daganaanshaha Geeska Africa.
Shalay, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in ciidamadiisu magaalada kujirin oo ay banaanka uga maqan yihiin, ayna diyaar u yihiin in ay xabadjoojinta hirgaliyaan.
Duqeymihii ugu badnaa maanta ayaa soo gaaray fiidnimadii caawa, in ka badan 10 qof oo ay ku jiraan adeegyaasha caafimaadka ayaa waxyeelo soo gaartay, taas oo ka hor imaaaysa xeerarka dagaalka