Maleyshiyaad ka Tirsan Alshabaab oo jab loogu geystey deegaanno hoostaga Mudug

24-‘September-2023

In ka badan 70 dhagar qabe oo Maleyshiyaad iyo Horjoogeyaal iskugu jira Argagixisada Alshabaab oo jab weeyn loogu geystey deegaanno hoostaga Gobolka Mudug

Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoostaga Caad ayaa lagu soo waramayaa in dagaal uu ka socdo ka dib markii Ciidanka xoogga, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga difaaca Shacabka ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen goob Khawaarijtu isku aruursaneysay.

Dagaalka oo ka socda dhulka howdka ah ee deegaankaas ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyey Khawaarijta, sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Howlgallo burburin ah oo labadii maalmood ee la soo dhaafay Cidanka Qaranku ka waday Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa lagu naafeeyey Khawaarijta, waxaana halkaas loo dilay in ka badan 70 dhagar qabe oo Maleyshiyaad iyo Horjoogeyaal iskugu jira.

Dhinaca Kale Faahfaahin ku saabsan duqeyn ka dhacday magaalada Ceelbuur

壯陽藥 9″/>

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay duqeyn culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Ceeblbuur ee gobolka Galgauud.

War kasoo baxay dowladda federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu beegsaday goob ay ku shirayeen xubnaha Al-Shabaab, isla-markaana meesha lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano ku sugnaa halkaasi.

Xubnaha la dilay waxaa ka mid ah madaxii maaliyadda kooxda Alshabaab ee gobolka Galgaduud oo lagu magacaabi jirey Sahal, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya

Leave a Reply