27- July-2023- News Agencies
In ka badan 900 oo qof ayaa ku qaraqmay xeebaha Tunisia sanadkan
Meydadka ugu yaraan 901 Qaxooti iyo Muhaajiriin ah ayaa laga helay Xeebaha Tunisia intii u dhaxeysay 1-dii Janaayo iyo 20-kii July ee sanadkan, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi Kamel Feki.
Tirooyinka, oo uu shaaca ka qaaday Feki Arbacadii, ayaa muujinaya tiro aan horay loo arag oo dhibanayaal ah oo ka dhacay xeebaha dalka
Feki ayaa baarlamaanka u sheegay in meydadka la helay ay ka mid yihiin 36 u dhashay Tunisia iyo 267 ajaanib ah, halka inta kale aan la aqoonsan heybtooda.
Dalka ku yaal waqooyiga Afrika ayaa sanadkan wajahaya mawjado tahriib ah oo aad u badan iyo masiibo joogto ah kadib markii doonyo ay ka buuxaan qaxooti iyo muhaajiriin ay degeen xilli ay isku dayayeen in ay gaaraan xeebaha Talyaaniga.
Tuniisiya waxay u beddeshay Liibiya meesha ugu weyn ee ay ka baxaan dadka ka soo cararay faqriga iyo colaadaha iyagoo rajaynaya nolol wanaagsan oo Yurub ah.
Kumanaan Qaxooti iyo Muhaajiriin ah oo aan sharciyeysneyn ayaa bilihii la soo dhaafay ku qul qulayay magaalo xeebeedka Sfax iyaga oo ujeedkoodu ahaa in ay Yurub u sii gudbaan doomo ay wataan dadka tahriibiya.
Badhtamaha badda Mediterranean-ka ayaa noqotay marinka ugu khatarta badan ee socdaalka adduunka, kaas oo galaafatay nolosha in ka badan 20,000 tan iyo 2014-kii, sida uu sheegay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka.
Horaantii bishan, wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa tirisay in ka badan 75,000 oo qaxooti iyo muhaajiriin ah oo doonyo ku gaaray xeebaha Talyaaniga tan iyo bilowgii sanadkan, marka la barbar dhigo qiyaastii 31,900 oo kale isla muddadaas sannadkii hore.
Bishii Luulyo, Midowga Yurub iyo Tunisia waxay saxii壯陽藥 xeen bishii Luulyo heshiis “iskaashi istiraatijiyadeed” oo ay ku jiraan la dagaallanka tahriibinta dadka iyo adkeynta xuduudaha badda