In la daboolo kiiska Ikraan tahliil Iyo in ay cadaalad hesho ayaa sababtay Is,mariwaa in uu ku soo dhamaado waan,waantii laga dhax waday Farmaajo iyo Rooble

Wednesday “22” September “2021” Muqdisho

Dadaalada waan waanta ee laga dhex wado Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xalay waji cusub galay, iyadoo dadaaladaas ay hoggaaminayaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Mursal.

Madaxweyne Qoorqoor oo ay wehliyaan Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab iyo Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Al Cadaala oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo qodobada waan waanta ee ay isla soo gaareen ula tageen, sidoo kalena kulankaas uu hordhac u yahay in la isku keeno Farmaajo iyo Rooble.

Ilo ku dhow dadka waanwaanta wada ayaa sheegay in meel wanaagsan wax marayaan, kulamadoodiina ay horumar ka sameeyeen oo ay soo gaarsiiyeen heer labada dhinac isku soo dhowaadeen.

Inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in aan weli laga quusan dadaalada lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

BBC laanteeda AF soomaaliga ayaa qortay daabacaad ay dib ugu eegeeyso Inta jeer ee ay is khilaafeen Farmaajo iyo Rooble

Labadan hoggaamiye ee ugu sarreeya Soomaaliya, wuxuu khilaafkooda sii xoogeystay ka dib markii uu adkaaday kiiska Ikraan Tahliil, taas oo sababtay in Ra’iisul Wasaaraha uu sheegay inuu xilka ka qaaday agaasimaha NISa, Fahad Yasiin.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa siyaasadda ka faallooda waxay sheegayaan in khilaafkan uu saameyn karo doorashada socota ee horeyba dib uga soo dhacday wakhtigeeda.

Haddaba imisaa goor ayay is qabteen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble?

Kiiska Ikraan Tahliil

.

Waxaa cirka isku sii shareerayay khilaafka iyo muranka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horey uga tirsaneyd hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya oo ay dowladda sheegtay in Shabaab ay dishay ka dib in muddo ah oo la la’aa. Balse Al-Shabaab ayaa beeniysay arrintaas.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu shaqada uga joojiyay agaasimaha hay’adda NISA, Fahad Yaasiin.

Ka dib madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo saaray qoraal faraya in Fahad Yaasin uu sii wato shaqadiisa madaxa sirdoonka dalka, inkastoo markii dambe shaqo kale looga magacaabay madaxtooyada.

Markii uu Rooble shaqada ka joojiyay agaasimaha hay’addaas, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir – oo la sheego inuu saaxiib dhow la yahay Farmaajo – falcelinta madaxweynuhu waxay ahayd inuu markii hore xilkiisa ku celiyay, kaddibna uu u dallacsiiyay jago taas ka sarreysa oo ah la taliyaha amniga qaranka.

Dhanka kale xil ka qaadista wasiirka Amniga, Xasan Xundubeey Jimcaale, taas oo madaxweyne Farmaajo uu diiday ayaa khilaafka uga sii dartay.

Intuu socday khilaafka hadda ugu dambeeya, Farmaajo iyo Rooble ayaa qaaday tallaabooyiin iska soo horjeeday oo xaaladda uga sii darayay.

Rooble iyo Farmaajo ayaa wada hadal albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay Muqdisho, illaa dhowr goor, sida ay xaqiijiyeen dad ka agdhow, balse wax natiija ah oo wanaagsan kama aysan soo bixin.

Dad xog ogaal ah ayaa BBC-da sheegay in arrinta taliyayaasha ay labada mas’uul u kala magacaabeen hay’adda sirdoonka iyo kiiska Ikraan Tahliil ay yihiin qodobada ugu adag ee la isku fahmi waayay.

Rooble ayaa ka digay i壯陽藥 sku day kasta oo lagu carqaladeynayo kiiska Ikran Tahliil Faarax, isagoo intaa ku daray in ciidanka ay ka fogaadaan wax kasta oo sumcaddiisa wax u dhimi kara, kalsoonida shacabka Soomaaliyeedna dhaawici kara.

Fahad Yasiin

Xaaladda waxay sii xumaatay ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in “awoodaha fulinta uu ka xayuubiyay” Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in “Ra’iisul wasaaraha uu jebiyey dastuurka ku-meel-gaarka ah.”

Rooble ayaa isna gaashaanka u daruuray awood ka xayuubinta uu madaxweyne Framaajo ku sameeyay, taas oo sharci darro uu ku tilmaamay.

Safarkii Ra’iisul wasaaraha ee Kenya

.

Wuxuu khilaaf kale soo baxay markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu booqashada ku tagay dalka Kenya. Laakiin xafiiska Rooble ayaa xilligaas beeniyay in uu khilaaf u dhexeeyo labada masuul.

Booqashada Rooble waxa ay muujisay inuu daggan yahay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada waddan – Soomaaliya iyo Kenya – balse safarkaas wuxuu yimid maalmo ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray wareegto uu ku mamnuucayay in wax heshiisyo ah lala galo dowlado shisheeye, ilaa inta ay ka dhammaanayaan doorashooyinka.

Safarka Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Kenya ayaa ka dhashay casuumaad rasmi ah oo Uhuru Kenyatta u fididay. Waxaa warqadda casuumaadda Muqdisho ugu gyesay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeyo labada dal.

Markaasi ka dib ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho ku tegay Kenya, wuxuuna la kulmay madaxweyne Kenyatta. Kulamadaas loogama wada hadlin kiiska badda ee labada dal, sida uu Rooble sheegay.

Heshiisyada caalamiga ah

Bilowgii bishii August ee sannadkan, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto madaxweyne oo uu ku hakinayay in hay’adaha dowladda ay galaan heshiis ama is af-garad “taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.”

Qoraalka Villa Somalia waxaa lagu sheegay: “Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta hantida qaran iyo madaxbannaanida dalka, wuxuu xeer Madaxweyne ku joojiyay in hay’adaha dowladda ay galaan heshiis ama is-afgarad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga”.

Balse, War-saxafaadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in haayadaha dawladdu ay sii wataan shaqadooda.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Rooble ayaa sidaan lagu yiri: “Iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray ra’isul Wasaaraha.”

Markaasi ka dib ayaa waxaa dadka qaar oo siyaasadda u dhuun daloola sheegeen in marka la eego qoraalladii ka soo baxay dhinacyada raysal wasaaraha iyo madaxweynaha ay muuqdeen in khilaaf soo kala dhex galay madaweyen Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble kaas oo la xiriira kala aragti duwanaan ay dad badan u arkaan in ay salka ku hayso awoodaha dastuuriga ah. Inkastoo Raysal Rooble gaashaanka u daruuray in jiri khilaaf u dhaxeeya isaga madaxweyne Farmaajo

Leave a Reply