India oo Iska dhago tirtay mamnuucista WHO ayaa suuq daawo ka raadsaneysa Somalia

28″ April “2023

Ka dib dhimashadii faraha badnayd ee carruurta Gambia, Indonesia iyo Uzbekistan, Hindiya waxay u muuqataa In ay Suuq daawo ka raadsaneyso #Somalia 👉Warbixin Dheeho.com

India oo warshadaheeda daawooyinka Isha lagu hayo kadib dhimashadii caruurta Gambia, Uzbekistan iyo Indonesia ayaa waxay ku dhawaaqday in Somalia ay ugu deeqi doonto shixnado daawo iyo qalab caafimaad ah Iyada oo uu dalkaas ku sugan yahay Wasiirka caafimaadka Xukuumada somalia cali xaaji aadan oo Isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay booqasho ku joogaan magaalada New Delhi

Wasiirka caafimaadka Somalia ayaa halkii ay dhiirigalin lahaa Isbitaalada gaarga loo leeyahay ee gudàha waxa uu dowladda Hindiya weeydiisatay in ay u fududeyso fiisooyinka caafimaadka dadka soomaaliyeed ee daryeelka caafimaad u soo raadsada India

Ku dhawaaqista yaabooha daawo ee #India ay ugu deeqeeyso #Somalia ayaa Imaanaya Iyadoo dunidu ay wali su,aallo Iska weeydiineyso geeridii caruur badan oo ugu dhintay Gambia, Indonesia iyo Uzbeki壯陽藥 stan, soo saarista dawooyinka, Iyo sidoo kale India oo iska dhego tirtay mamnuucida WHO ee dhoofinta daawooyinka sumeeysan .

Talaabooyinkan ayaa imaanaya Iyadoo ay isi soo tarayaan digiinaha WHO ee ku aadan dawooyinka dareeraha ah ee India iyo iyadoo wali su,aal ka taagan tahay dhimashada caruurta Gambia iyo Indonesia ee sharoobada

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa jimcihii maanta sheegtay in qayb ka mid ah sharoobada qufaca ee sumeysan islamarkana lagu farsameeyay dalka Hindiya lagu arkay jasiiradaha Marshall iyo Micronesia.

Sudhir Pathak, oo ah agaasimaha maamulka shirkadda QP Pharmachem, ayaa BBC u sheegay in shirkaddu ay u dhoofisay Cambodia 18,346 dhalo ka dib markii ay ka heshay wasaarada caafimàadka dalka Cambodia dhammaan oggolaanshaha sharci ee saxda ah ee ay u baahnayd

Leave a Reply