Ilo Wareedyo ayaa sheegaya Dadweynaha ku nool degmada Ceelbuur inay wajaheen cadaadis uga imaanaya kooxda Alshabaab oo magaalada soo buux dhaafiyay

13″ Feb “2023” Galmudug

Webmaster Dheeho.com

Cabsida Shacabka ,Cadaadis Alshabaab Iyo Culeeyska Nolosha Ceelbuur iyo deegaanada Ku Xeeran Dheeho.com

Ilo-Wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya dadweynaha ku nool degmada Ceelbuur iyo deegaanada hoos taga Inay wajaheen cadaadis uga imaanaya kooxda Alshabaab oo soo buux dhaafiyay, Iyadoo ay sii xumaaneeyso xaalada Nololeed ee Degmada Go,adoonka ah iyo tuulooyinka ku hareereeysan

Horjoogayaasha Alshabaab ee ku sugan degmada ceelbuur ooy soo food saartay cabsi daran ayaa amray in la bilaabo howlo baaritaan oo lagu la soconayo xiriirada taleefoonada gacanta dadka rayidka ah ee ku nool degmada iyadoo magaalada iyo tuulooyinka hoos yimaada ay buux dhaafiyeen maleeshiyada kooxda ee ka soo cararay magaalooyinka ay dowladu ka xoreeysay

Cunooyinku ayaa gabaabsi sii noqonayaan degmada ceelbuur oo aaney jirin wax safar oo ka baxa ama soo gala magaalada iyo tuulooyinka lagu hareereysan yahay ee hoos taga tan iyo markii ciidamada dowlada ay dageen dhinacyada Xarardheere Ceeldheer ,Maxaas ,Dhuusamareeb Iyo Qaayib

Dadweynaha magaalada ceelbuur Inkastoo aaney muujin Karin rabitaan-kooda hadana inba壯陽藥 dan oo ka mid ah waxa ay doonayaan in laga dulqaado xukunka Alshaab

Laakiin kooxda Alshabaab oo galmudug magaalada ugu weeyn ee kaga sugan yihiin ay tahay Ceelbuur waxay qorsheeynayaan inay gabaad ka dhigataan dadka magaalada ay mudada dheer heeysteen iyadoo uu jiro Is,aaminaad la,aan dhexdooda ah

Talaabadan oo muujinysa culeeyska kooxda soo foodsaartay ayaa timid iyada oo warbaahinta dowlada sheegayso in argagixisada Alshabaab laga saaray tobaad gudihiis Inkabadan 10 Tuulo oo hoos-taga degmada xarardheere

Firxadka Argagixisada Alshabaab oo laga saaray deegaano hoos taga xardheere haatan isku urursanaya degmada ceelbuur iyo tuulooyinka hoos taga iyaga oo isku dayaya inay ku dagaalamaan magaaladaas