Inta lagu guda jiro gubashada Qur’aanka, Sweden waxay kor u qaaday cabsi ka soo foodsaartay

17- August-2023- News Agencies

Inta lagu guda jiro gubashada Qur’aanka, Sweden waxay kor u qaaday cabsi ka soo foodsaartay falcelinta ka dhalan karta Islam naceybka dowladu ogolaatay

Hay’adda nabadsugidda Sweden ee SAPO ayaa qiimeynteeda heerka khatarta ka dhanka ah Sweden ka dhigtay 4 ilaa 5 iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda caalamiga ah ee ka dhalatay gubista nuqullo ka mid ah Qur’aanka Kariimka oo lagu gubay dibadbaxyo ka dhacay waqooyiga Yurub.

“Khatarta ka dhanka ah Sweden ayaa tartiib tartiib isu beddeshay, waxaana kordhay khatarta weerarrada ka imaanaya kooxaha Islaamiyiinta ah ee rabshadaha wata,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay hay’adda amniga.

SAPO waxay sheegtay in Sweden ay ka baxday in lagu tiriyo bartilmaameedka saxda ah ee weerarrada “argagixisada” lana tixgeliyo bartilmaameedka mudnaanta leh.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay dalalka Sweden iyo Denmark ayaa waxaa soo foodsaartay cadaadis kaga imaanayay dalalka Muslimka ah kadib markii kooxo Islaam nacayb ah ay gubeen kitaabka Quraanka Kariimka ah ee Muslimiinta.

Sida uu dhigayo sharciga xoriyatul qawlka, in lagu gubo qur’aanka kariimka ah waa laga ogol yahay Sweden, laakiin falkaasi waxa ay u arkaan mid dembi ah dunida Muslimka ah

Halka Denmark iyo Sweden ay cambaareeyeen gubashadaas, isla markaana ay ka fiirsanayaan sharciyo cusub oo lagu joojinayo inay dhacaan, haddana dhalleeceeyayaasha gudaha ayaa sheegay inay wax u dhimi doonto sharciyadooda ku saabsan xorriyadda la ilaaliyo.

Dalal badan ayaa ku gacan sayray ceebaynta quraanka. Wadamada Muslimiinta u badan yihiin, ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo, waxayna isku dayeen inay burburiyaan Safaaradaha Sweden iyo Denmark.

Iyaga oo ka jawaabaya, Danmark iyo Sweden ayaa xoojiyay kontaroolkooda xadka bishan ka dib markii ay ka baqeen weeraro “aargoosi” ah oo ku saabsan gubashada

Ra’iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay in qoraalada diinta aan la gubi karin.

“Waxay ila tahay inay khalad tahay haddii qof halkaas istaago oo uu Kitaabka Quduuska ah gubo. Sidoo kale uma maleynayo inaan u gubno Tawreed kuwa Yuhuudda ah dartiis, “ayuu u sheegay warbaahinta dadweynaha DR.

La taliyaha amniga qaranka Sweden Henrik Landerholm ayaa sheegay in weeraradii lagu qaaday safaarada Sweden ee Ciraaq 19-kii July, isku day weerar oo lagu qaaday safaaradeeda Lubnaan 9-kii August iyo 1-dii August ee la toogtay shaqaale ka tirsan qunsuliyada Sweden ee Turkiga ay gacan ka geysteen qiimeynta khatarta ah ee dowladaha shisheeye. .

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ka digtay suurtagalnimada weeraro ka dhaca Sweden iyadoo la talineysa dadka safarka ah