19″ March “2023
skaashiga Geeska Afrika oo ay xubnaha ka noqonayaan Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea, Jabuuti Iyo South Sudan wuxuu noqon doonaa mid muhiimad weyn u leh dhaqaalaha iyo siyaadsadda gobolka.
Waddamada xubnaha ka noqonaya iskaashigan ayaa ku fadhiyo dhul badda cas ku gadaaman oo aad muhiim ugu ah marinnada shidaalka ee waddamada Kahliijka, Aasiya iyo Yurub.
Waddamada quwadaha dunida ugu waaweyn waxay dadaal xooggan ugu jiraan waddamada Geeska Afrika ku yaalla sidi ay gacanta ugu dhigi lahaayeen ama ay saameyn ugu yeelan lahaayeen.
Haddaba waddamada dhaqaalaha ugu tunka weyn oo dunida ka jira si ay danahooda uga helaan waddamadasi waxay ka aloosayeen dagaallo ay iyagu dabada ka riixaan iyada oo waddamada qaar ay weli dagalladaasi ka socdaan.
Si kastaba ha ahaatee waddamada gobolka waxay ku dadaalayeen sidi ay iskaashigooda u xoojin lahaayeen quwadaha bariga iyo reer galbeedkuna ay tartan ugu jiraan sidi ay gobolka saameyn ugu yeelan lahaayeen isla-markaana ay waddamadaasi danahooda uga heli lahaayeen.
Indhaha caalamka oo ku soo jeedo Geeska Afrika
Sanadihi la soo dhaafay waddamada Reer Galbeedka, Waddamada qaniga ee carbeed, Turkiga, Ruushka iyo Shiinaha waxay Geeska Afrika ku lahaayeen saameyn dhinacya badan taabanaya.
Geeska Afrika oo aan laga waayin dagaal iyo iskahorimaadyo iyada oo dadka arrimahan falaqeeya arrimaha Geeska Afrika gobolka oo uu ka mid yahay Abdurahman Abu Hashim ay aaminsan yihiin dagaallada iyo isku dhacyada waddamada Geeska Afrika ka dhaca ay ka dhashaan faragelin caalamka uga yimaaddo.
Gaar ahaan booqashooyinka isdaba joogga ah oo ay diblumaasiyiin ka kala socota waddamada Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka ay ku yimaaddaan waddamada Eritrea, Itoobiya, Suudaan iyo Soomaaliya ay arrintaasi qayb ka tahay.
Maalmihi u dambeeyey kulammada iyo dhaqdhaqaaqyada ay madaxda gobolka ku tageen waddamo geeska Afrika ku yaallana waxay soo jiiteen indhaha caalamka.
Madaxweyne ku xigeenka Suudaan Xamdaan Dagaalo oo Eritrea booqday, Raysul wasaaraha Itoobiya oo South Suudaan booqday iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Asmara.
Safarrada ay madaxda waddamadaasi ku tageen waddamo gobolka ku yaallana waxaa si gaar ah ula socday Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha.
Bishii horana wasiirrada arrimaha dibadda Ruushka, Mareykanka iyo Shiinaha waxay booqashooyin isdabajoog ah ay ku yimaaddeen waddamada geeska Afrika iyo waddamo kale oo ku yaalla qaaradda Afrika.
Loollanka quwadaha waaweyn
“Dagaalki qaboobaa marki uu dhammaaday kaddib Mareykanka oo saameyn dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid milatariba ku lahayd waxaa tartan adag oo danahi qaaradda ay ku lahayd ka hor istaagi karo kula jira Shiinaha iyo Ruushka,” ayuu yiri Sayid Cabduraxmaan.
Gaar ahaanna dhowr iyo tobanki sano ee ugu dambeeyey dalka Shiinaha oo dhanka Milatariga, Amniga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha Afrika sida weyn uga muuqato waxay walaac xooggan ku abuurtay dalka Mareykanka.
“Shiinaha xiriirka uu la leeyahay waddamada qaaradda Afrika wuxuu xoogga ku saaray dhanka dhaqaalaha balse mustaqbalka inuu dhanka militariga uu u baddalana waa lagama maarmaan taasoo Mareykanka uu si weyn uu uga baqayo,” ayuu yiri.
Iskaashiga waddamada gobolka
Waddamada Geeska Afrika ku yaalla oo ay haystaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin xasilooni darro siyaasadeed, dhaqaalo aan dagganeyn, dagaal iyo amni darro waxay marar badan isku dayeen iney xiriirkooda xoojiyaan iyaga oo ururro goboleed sameeyey. Waxaana ka mid ah urur goboleedka IGAD.
Waddamada gobolka sida ay wakhtiyadan dambe ay iisu baheysanayaan waxaa la moodaa iney fahmeen kala qaybsanaanta dhibaatada ay u keeni karto. Marka si ay gobolka iyo caalamkaba ay saameyn ugu yeeshaan ay dib iisu abaabulaan oo ay sameysteen iskaashiga waddamada gobolka oo dhan mideeya.
Gobolka Geeska Afrika oo ay ku nool yihiin dad ka badan 100 malyan, xagga istiraatiijiyadda madaxda Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya dhowr sano ka hor xiriir adag ayey sameysteen.
“Iskaashigi seddexdaasi dal ay yeesheen dhibka soo wajahay wuxuu ahaa, inuu waafaqin danaha ay xoogagga shisheeya gobolka ka leeyihiin oo ay danahooda ka dhex arki waayeen, ayuu yiri Abu Haashim.
“Inta badan urur ama iskaashi kasta oo Geeska Afrika laga aasaaso Masar iyo Mareykanka haddii ay u arkaan iney dan ugu jirin markasta waa ay ka horimaadaan,” ayuu yiri.
Dhanka kale seddexdaasi dowladood ee iskaashigaasi sameystay oo aan ahayn waddamo si buuxda shacabkooda u matalayo, dimuqraadiyad ku dhisan dowlado adagna leh.
Caqabadaha waddamadaasi haysta
Eritrea oo ah dal hal xisbi uu maamulo tani iyo marki uu dalkaasi xorriyadda qaatay hal madaxweyne leh, Itoobiya gudaheeda waxaa ka jirta xasilooni darro baahsan, halka Soomaaliyana ay la daalaa dhaceysa weerarrada Al-Shabaab uga yimaaddo iyo loollanka siyaasedeed oo waddamada gobolka uga imanayo awgood ay seddexda dalba caqabad ku tahay.
“Inta badan waddamada iskaashiga ama xiriirka sameysanaya haddii dhibaatada gudahooda ka dhaceysa ay xal u helin iskaashiga ay yeehsaan ma noqonayo mid sii jiro balse wuxuu noqonayaa mid magac u yaal ah oo aan wakhti badan sii jirin,” ayuu yiri Abu Haasim oo arrimaha Geeska Afrika ka faallooda.
Iskaashiga Siyaasadeed iyo midka Milatari
Inta badan Iskaashiga siyaasadeed iyo kan milatariga ee ay yeeshaan waddamada Gobolka wuxuu waxtar weyn uu u leeyahay iskudhacyada waddamada gobolka dhexdooda ka dhaca.
Tusaale ahaan khilaafki siyaasedeed ee ka dhax dhacay Suudaan iyo South Suudaan oo marki dambe dagaalka iisu baddalay, Muranka dhulka ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan xallintooda oo kale ayaa loo adeegsan karaa balse door intaa dhaafsiisan ma yeelanayaan.
Waddamada Gobolka iskaashiga Diblumaasiyadeed iyo kan militari ee ay yeesheen waxaa tusaale ahaan loo soo qadan karaa dagaalka ay dowladda dhexe ee Soomalaiya kula jirto Al-Sgabaab sida ay garab uga siiyeen ciidamo ka socda dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti.
Dowladda Eritrea lafteeda waxay dowladda Soomaaliya u tababartay ciidamo kumannaan ah oo gacan ka geysan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay dhawaan billwday dowladda Fedraalka Soomaaliya.
Guud ahaan waddamada Gobolka Iskaashiga Diblumaasiyadeed ee Kan siyaasadeed ee ay yeeshaan ma dhaafsiisneen dhexdooda iney wax isugu qabtaan halki la rabay gobolka iyo caalamka intiisa kalanba inuu si weyn uga muuqdo.
Sidaa darteedna quwadaha waaweyn oo ka duulayo danaha ay ka leeyihiin waddamada gobolka waxay cadaadis ku saarayaan sidi ay u sameysan lahaayeen ururro ama iskaashiyo danahooda u fulin kara sidaa ay cadaadis ku saaraan madaxda waddamadaasi hoggaamiya.