2″ March “2023
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho maalma socon doonto waxa ay uga bilaabantay Kismaayo, xarunta dowlad goboleedka Jubaland.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu soo indha indhayn doono xaaladda deegaannada maamulkaasi, iyo taabbagelinta qorshaha dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu kulamo ay albaabada u xiran yihiin la yeelan doono madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, iyo hogaamiyayaasha bulshada ee maamulkaaasi.
Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu waxgaradka Kismaayo ka dhagaysan doono sida ugu habboon ee ay dadka deegaanku uga wadashaqeyn karaan nabadda iyagoo wada duuban.
Dabayaaqadii bishii Agoosto, 2022, ayaa hindise sharciyeed la hordhigay baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland waxaa markii dambe lagu meelmariyay in muddo xileedka xukuumadda iyo kan baarlamaanka maamulkaasi laga dhigo shan sanadood halka markii hore uu ahaa afar sanadood.
Qodobkaas sharciga ah ee uu baarlamaanku meelmariyay ayaa ka dhigan in muddo xileedka madaxweynaha Jubaland uu dhammaan doono Agoosto 2024.
Xilligaas waxaa soo baxayay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaannada Jubaland oo gaashaanka u daruurayay muddo kororsi ay sameeyeen xubnaha baalamaanka Jubaland.
Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo dhawaan ka hadlayay meel fagaare ah ayaa sheegay in “Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu waqtigiisii dhammaaday, oo haddii la fiiriyo lix bilood ayaa u hartay, bisha sideedaad bay uga egtahay,”
“Maya, maya, maya, horana waan u niri haddana waan leennahay, muddo kordhisiinno maya, muddo kordhisiinno maya, muddo kordhisiinno maya, jubaland la isla leyahay ayaa la qaban doono,” ayuu sii raaciyay
Dhanka kale xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo isna ka tirsan xildhibaannada laga soo doorto deegaannada Jubaland ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay inay tahay in muhiimad la siiyo in waqtigii loogu talagalay lagu qabto doorashooyinka.
Waxa uu intaasi ku daray in haddaanan doorashooyinka lagu qaban waqtigii loogu talagalay, taasi ay keeni karto deganaanshiyo la’aan siyaasadeed.