2″ Mary”2023
Is-Hoos-Galinta sharciyo laga-cabsi Qabo In Siyaabo-Qaldan-Oo-Gaar ah loob Adeegsan Karo Ayaa Noqotay Arin-Isi-soo-taraysa iyadoo Madaxweynaha 🇸🇴Somalia uu la kulmayo baaqyo ku aadan Inaanu sixiixin Sharciyadaas” 👉 Dheeho.com
Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa dhawaan soo saaray sharciyo dhowr ah, kuwaasi oo dadka wax falanqeeya ay sheegayaan in ay u baahan yihiin in si qoto dheer looga baaraan dego Iyadoo sharciyadii ay ansixiyeen labada aqal ee sugayay saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la kulmeen dhaleecayn ku aadan khaladaad ku jira
Hindise sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed
Tusaale ahaan Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa kalfadhiga labaad ee kulankiis 17-aad Ansixiyay hindise sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed kadib markii uu kasoo gudbay golaha shacabka .
Senator-ada Aqaka sare qaar ka mid ah ayaa soo bandhigay ,In sharciga sidiisa lagu qaato oo la ansixiyo iyaga oo xaq u leh inay dood ka yeeshaan oo wax ka badel ku sameeyaan sharci mustaqabalka saameeyn ku yeelan kara kii ansixiyay
28 February laba maalmood ka hor Maxaa ka dhacay aqalka Sare?
Markii intabadan Senatorada aqalka sare ay u kaceen tukashada salaada duhur 28 kii February ayaa lagu dhawaaqay Ansaxinta sharcigan oo Mooshin ku saabsan in sidiisa lagu qaato, uu gudoonku sheegay in lagu meel mariyay Iyadoo qaar ka mid ah Senatorada ay aqalka sare ay qeylo dhaan ku jiraan
Inkastoo Sharcigan loo isticmaali karo in lagu nidaamiyo ganacsatada & Bangiyada Soomaaliya hadana waxaa jira cabsi laga qabo in siyaabo gaar ah loo adeegsan karo ooy ka mid tahay in sharcigan uu dhabaha u xaarayo sidii loo xalaaleysan lahaa dhaca hantida muwaadinka Soomaaliyeed
Hndisaha sharciga la dagaalanka argagixisada ee ka ka soo gudbay labada Aqal ee Baarlamaanka 11 aad
Hndisaha sharciga la dagaalanka argagixisada ee ka ka soo gudbay labada Aqal ee Baarlamaanka 11 aad ayaa sidoo kale la kulmay dhaliilo Madaxweyne Xasan Shiikh ka dalbanaya Inaanu sixiixin kuwaas oo badankood ka imaanaya kooxaha xuquuqda Aadanaha
“Sharciga Qabyada ah waxa uu Siinayaa Hayadda NISA Xadgudubka Awood Ballaaran oo Xarig Aan Ilaalin lahayn Ah ayay tiri Laetitia Bader, agaasime ku xigeenka Afrika ee Human Rights Watch.
Madaxweynaha Soomaaliya waa inuu sharciga qabyada ah dib ugu celiyaa baarlamaanka oo uu ku baaqaa in si adag loo eego si wax looga qabto arrimaha xuquuqul insaanka Ayay raacisay hadalkeeda agaasime ku xigeenka Afrika ee “Human Rights Watch
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo 21 maalmood ah u haysta inuu sharcigan ku saxiixo si uu u dhaqan galo ama uu dib ugu soo celiyo baarlamaanka oo uu soo jeediyo si wax looga bedelo. Waa inuu si degdeg ah ugu soo celiyaa sharciga qabyada ah isagoo talo adag siinaya inuu dib u eegis ku sameeyo qodobbada xadgudubka ah.
“Madaxweynaha Soomaaliya waa inuu sharciga qabyada ah dib ugu celiyaa baarlamaanka oo uu ku baaqaa in si adag loo eego si wax looga qabto arrimaha xuquuqul insaanka.”
Hay’adda sirdoonka Somalia 53 sano waxa ay ku shaqaynaysay xaalad sharci oo aan caddayn taas oo fududaysay ,xarig iyo xad-gudubyo kale oo aan sabab lahayn Human Rights Watch ayaa tiri Todobaadkii hore
Qodobbada sharciga ee ballaaran ayaa loo isticmaali karaa in lagu caddeeyo caburinta dowladda ee mucaaradka siyaasadeed iyo warbaahinta, Human Rights Watch ayaa tiri. Hay’adda NISA ayaa si bareer ah u xirtay dad ay u arkaan in ay ka soo horjeedaan iyo wariyayaal, waxaana ugu dambeeyay u doodaha xuquuqda saxaafadda Cabdalle Axmed Muumin, waxaana ay si ku meel gaar ah u xirtay xarumo warbaahineed.
Sharciga Qabyada ah waxa uu Siinayaa Hayadda NISA Xadgudubka Awood Ballaaran oo Xarig Aan , Ilaalinta lahayn
Arimahaas ayaa waxaa ku jira qeexitaanno ballaaran oo aan caddayn oo ku saabsan dembiyada ay wakaaladu awood u yeelan doonto, oo ay ka midka yihiin falalka “wax u dhimaya amniga, sumcadda, madaxbannaanida, danaha, iyo sharafta qaranka Soomaaliyeed.”
Dembiyada noocan oo kale ah, oo qaarkood horeba loogu qeexay xeerka ciqaabta ee dalka, ay犀利士 aa loo isticmaali karaa in lagu geeysto xad-gudbyo xuquuqda xorriyadda hadalka, ururrada, iyo isu-soo-baxyada nabadeed, iyadoo si aan xad lahayn loo xaddidayo dhaqdhaqaaqyada caalamiga ah, ilaalinta mucaaradka siyaasadeed, dhaqdhaqaaqayaasha, iyo warbaahinta sidii ay ahaydba dowladii Militariga
Baarlamaanka 11 ee Somalia ayaa mudo sanad ka yar ku meelmariyay hindiso sharciyeedyo dhowr iyo toban ku dhowr oo dad badan ay rumeysan yihiin in aaney aqris fiican iyo food Ku filan