Isjiid jiid ka dhacay soo dhaweeynta sanadka cusub ee 2023 ayaa ugu yaraan sagaal qof ku dilay dalka Uganda

1″ January “2023

Ugu yaraan sagaal qof, oo uu ku jiro wiil 10 jir ah, ayaa dhintay iyadoo dad badan oo u ordayay si ay u arkaan rashka sanadka cusub uu ku xayirmay waddo cidhiidhi ah oo ku taal suuq laga dukaameysto oo u dhow caasimadda Uganda, sida ay booliisku sheegeen.

Dadku waxay bilaabeen inay riixaan waddo ku taal suuqa Freedom City Mall ee Kampala wax yar uun ka dib markii ay saacaduhu saqdii dhexe soo galeen, booliska ayaa sheegay Axaddii.

“Dad aad u badan ayaa ku xayirmay markii ay soo galayeen tiro badan si ay u arkaan rashka. Markii ay sidaas samaynayeen, dad badan ayaa ku neef qabatey oo u dhinteen. Ilaa hadda sagaal qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Dadka ayaa ku damaashaadayay sanadka cusub suuqan oo ku yaala wadada weyn ee isku xirta Kampala iyo garoonka caalamiga ah ee Entebbe.

“Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa goobta soo gaaray waxayna u qaadeen dadka dhaawaca ah isbitaalka, halkaasoo sagaal la xaqiijiyay inay dhinteen,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Luke Owoyesigyire.

Owoyesigyire ayaa intaa ku daray in falalka “firiiricda” iyo “daacaad” ay horseedeen musiibadan.

Dabaaldegga lagu soo dhaweynayo sanadka 2023 ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ka dhaca dalka Bariga Afrika tan iyo markii xayiraadaha lala xiriiriyay masiibada COVID-19 iyo arrimaha amniga la qaaday.

Leave a Reply