Iska Hor,imaad Ayaa ka jira Gudaha Xabsiga Dhaxe Ee Xamar

MUQDISHO”

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in

Koox hubaysan oo loo badinayo in ay ka tirsan Yihiin Argagixisada shabaab ay gudaha u galeen Xabsiga dhaxe ee xamar oo haatan iska
Hor,imaad uu ka jiro gudihiisa

Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlayo gudaha Xabsiga Dhexe Muqdisho, iyadoo lagu soo waramayo in qaar ka mid ah Maxaabiista ku jirta Xabsiga ay gacanta ku dhigeen hub.

Sida wararku sheegayaan ilaalada xabsiga ayaa la sheegay inay toogteen qaar ka mid ah maxaabiista oo la sheegay inuu hub gacanta u galay.

Illaa iyo hadda lama oga in hubka lala galay Xabsiga iyo inuu yahay hubkii askarta, waxaana warar kala duwan ka soo baxayaan xaalada xabsiga.

Xabsiga dhexe ayaa waxaa ku xiran Maxaabiis kala duwan oo xukuno kala duwan ku dhacay, waxaana ku jira maxaabiis Al-Shabaabnimo loo xukumay.

Leave a Reply