Iskaashiga ilaalnta Deegaanka Iyo Isbeddelka Cimillada Ee Hormuud Iyo Dowlada Somalia

30-May-2024- Muqdisho ” Iskaashiga Deegaanka IsbeddelkaCimillada Ee Hormuud Iyo Dowlada Soomaaliya

Shirkada Hormuud Telecom oo waalid u ah dhowr shirkadood Iyo hayaddo ayaa waxay heshiis iskaashi iyo wada-shaqeyn la saxiixatay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada xukuumada Soomaaliya.

Heshiiskan ay Shirkadda Iyo Wasaaraddu gaareen oo ay saxiixeen wasiirad Khadiija almaqsuumi Iyo Gudoomiye Axmed ayaa u gogol xaaray in layska kaashado ilaalinta deegaanka, xakameynta isbeddelka cimillada, wacyigelinta dhirbeerista, ka hortaga xaalufinta dhirta, iyo dadaallada lagula tacaalayo dhibaatooyinka ka dhasha saameynta isbeddelka cimillada ee lagu tiigsanayo Soomaaliya cagaaran oo barwaaqo ah.

Gudoomiyah #Hormuud ayaa waxaa uu sheegay in aan masuuliyad iska saarayaan deegaanka, oo 84% uu qalabkoodu ku shaqeeyo tamarta laga dhaliyo cadceedda, Isaga oo yiri” Waxaana mustaqbalka dhow hiigsaneynaa in tamarta aan isticmaalno ay noqoto 100% mid la cusboonaysiin karo, taas oo u daneynaysa dadkeenna iyo deegaankeenna.

Leave a Reply