13″ December “2020” Garroowe”
Kulamadii udhaxeeyay Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulahi Deni ayaa waxaa kataagan Ismari waa Kaasoo Salka ku haya Arimaha Doorashooyinka.
Ra’isulwasaare Rooble ayaa ka dalbaday Puntland iney soo dhameystirto Gudiga Doorashooyinka Kadibna Dowladu Gogol dhigeyso wada Hadal ah ,
Halka Madaxweynaha Puntladn Siciid Cabdulaahi Deni uu ku adkeysanayo in Marka hore Dowladu dhigto gogol looga arinsado doorashada Kadibna Puntland ay soo dhameystireyso Gudigeda Doorashada aysana dhib lahayn hadii doorashadu dib udhacdo Bil ama Laba Bil
Ilo lagu Kalsoon yahay oo katirsan Xafiiska Rooble ayaa xogtaan nala wadaagay waxaana macquul ah in Ra’ isulwasare rooble oon Natiija Fiican Ka Helin Kulamadii uu La qaatay Madaxda Puntland inuu Muqdisho Kusoo Laabto.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa wadahadalo uu maanta la yeeshay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waxa uu kala kulmay isfaham waa la xiriira qorshaha uu u tegey magaalada Garowe.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Puntland inuu magacaabo guddiga doorashooyinka ee Maamul goboleedka Puntland xubnihii laga doonayay kadibna laga wadahadlo si wixii qaldan loo saxo
Hase yeeshee, Madaxweyne Deni ayaa ku xirey magacaabista guddiga labo shuruud oo ah in la xaliyo arrinta gobolka Gedo oo dowlada federalka iyo Maamulka Jubbaland ay isku khilaafsan yihiin cidda maamulaysa gobolkaas.
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa doonaya in dib u eegis lagu sameeyo guddiga doorashada ee ay dowlada federalka magacawday taasoo ah mid uu khilaaf xooggan ka taagan yahay.
Guddigan ayay Musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya waxa ay ku sheegeen inay ku jiraan ciidamo nabad sugid ah iyo shaqaale rayid ah kuwaasoo aan dhexdhexaad ka noqon karin doorashooyinka.
Ra’iisul Wasaare Roble iyo Madaxweyne Deni ayaa sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow madaxtooyada Puntland waxa ay u muuqdaan arrimahooda kuwo midi midi ku taag ah oo aan dhinacna dooneyn in uu tanaasul ka sameeyo mowqifkiisa.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u muuqda mid wajahaya tijaabadii ugu cusleyd tan iyo markii uu xilkan la wareegay waxana uu ra’iisul wasaaruhu doonayaa in si dhaqso ah loo dhamaystiro guddiga doorashooyinka ee laga sugayo Maamulada Puntland iyo Jubbaland