25″ Dec”2021″Xigasho:- Anadolu Agency
W/Diyaariyey:- Axmed-saadaq Yuusuf Maxamed
‘ISTANBUL’ WAA MAGAC DUMAR AH OO GUUD AHAAN SOOMAALIYA KA JIRA IYADOO SAAMEYNTA TURKIGA UU SIfI XOOGEYSANAYO
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa wadaaga taariikh dheer oo dib u soo laabaneysa xilligii Cusmaaniyiinta, iyadoo Turkigu uu kaalin weyn ka qaatay halgankii gobonimo doonka Soomaaliya ee looga soo horjeeday gumeystihii Ingiriiska.
Soomaaliya waxay lahayd ciidammo lagu magacaabi jiray Derwiish oo uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka mid ahaa geesiyaashii xorriyadda dalka. Isagoo la dagaallamayey gumeystihii Ingiriiska, wuxuu ahaa hoggaamiye diimeed, waxaana ka tirsanaa dhaqdhaqaaqiisa ciidamada Soomaalia oo la ora jiray Daraawiishta oo ay taageerayaan Cusmaaniyiinta. ee sanadihii 1856-1920.
Sida laga soo xigtay madaxtooyada Soomaaliya, waxaa dalka laga heli karaa masaajido taariikhi ah oo soo jiray boqollaal sano, kuwaasoo ay dhiseen dowladdii Cusmaaniyiinta.
Dhismayaal iyo masaajido taariikhi ah ayaa laga heli karaa dekedda magaalada Berbera ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya oo haatan lamagac baxday [Somaliland], waxayna tusaale u yihiin saamaynta Turkiga ee ka muuqda guud ahaan Soomaaliya.
Turkigu saamayn dhaqan kuma laha Soomaaliya oo kaliya. Xiriirka wanaagsan ee labada dal oo horumaray muddo toban sano ah ayaa u sahashay dadka Turkiga iyo Soomaalida inay si fudud isku dhexgalaan.
Tiro badan oo qurbajoog Soomaaliyeed ayaa ku nool dalka Turkiga, waxaana sidoo kale Turki badan ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira ganacsato, dhakhaatiir, injineero iyo samafalayaal.
“Haddii aad tagto Turkiga oo aad fursad u hesho inaad booqato Istanbul ama Ankara, waxaad arki doontaa in qurba-joogta Soomaaliyeed ay si habsami leh ugu dhex milmeen bulshada, ganacsigooda, jaamacado u galeen si ay wax u bartaan, waxaas oo dhanna waa sababta oo ah waxaa hawada Soomaaliya ku duulaaya shirkado diyaaradeed oo Turkish ah.
Tani waxay u wanaagsan tahay heshiiska is dhexgalka dhaqan-dhaqaale ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen dhowr sano ka hor,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xaashi oo la hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu ee laga leeyahay dalka Turkig.
SOO NOOLAYNTA FILIMADA SOOMAALIDA
Telefishinka dowladda Turkiga ee TRT ayaa gacan ka geysan doona sidii dhaqanka Soomaaliyeed uu u kobci lahaa mar kale, waxaana ay tababari doontaa filim sameeyayaasha Soomaaliyeed si ay u soo saaraan riwaayado tayo leh, kuwaasi oo mar caan ahaa balse meesha ka baxay dagaaladii sokeeye ee qarxay 1990-kii kadib burburkii dowladdii militariga.
“Waxaan la kulannay agaasimayaasha kanaalka TRT, waxayna naga caawin doonaan inaan dib u soo celinno warshadaha dhaqanka, muusikada iyo filimada. Riwaayadaha Turkiga ayaa lagu tarjumi doonaa Soomaaliya si loo xaqiijiyo is-weydaarsiga dhaqanka ee labada dal inuu horumaro,” ayuu yiri Xaashi.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiriir saaxiibtinimo oo dhow yeeshay sanadkii 2011 ka dib markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu booqasho ku yimid dalkaas, isagoo ah hogaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqasho ku taga muddo 20 sano ah.
Baahida loo qabo barashada luuqada Turkiga ee dhalinyarada, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha, ayaa in ka badan laba jibaarmay sanadkan, sababtoo ah warshadaha filimada Turkiga.
Zaynab Cabdi Aadan waxay aad u jeceshahay riwaayadaha Turkiga. Waxa ay sheegtay in ku dhawaad saddex sano ay daawanaysay iyaga oo ay sidoo kale baratay sida loola xiriiro luqadda Turkiga.
“Kaliya waxaan jeclahay sida ay u dhaqmaan si dhab ah marka ay ku hawlan yihiin arrimaha jacaylka. Kaliya waan jeclahay, waxaana hadda la qabsaday riwaayad taariikhi ah oo cusub oo la yiraahdo Alparslan: Buyuk Selcuklu, jilaaga ugu fiican aniga waa [ka ciyaara] Alpagut,” ayay tiri.
Hadii aad rabto in aad ogaato inta uu le’eg yahay saameynta uu Turkigu ku leeyahay Soomaaliya, iska hubi magacyada dumarka ee dalka ku sugan, ayuu yiri Axmed Cismaan oo ka mid ah odayaasha magaalada Muqdisho.Mid ka mid ah magacyada dheddigga ah ee ugu caansan dalka waa ‘Istanbul,’ ayuu yiri.Waxaan nahay qaraabo xagga diinta, waana ku faraxsanahay inaan arko waddan Muslim ah oo weyn oo saameyn noocan oo kale ah nagu leh sababtoo ah jiilkeena ka hor, waxaan yeelanay saameyn reer galbeedka sida dhaqanka Talyaaniga, laakiin hadda ma dhicin.”
Feysal Cali waxa uu sheegay in Aflaanta Turkiga uu Af-Carabi u turjumayo una beddelayo Af-Soomaali, isla markaana uu daawaday shan Riwaayad oo kala duwan oo uu ka mid yahay Dirilis-kii taariikh ahaan lagu sawiray ee Ertugrul.
“Waxaan daawaday dhammaan shanta xilli ee riwaayadda Ertugrul oo keliya saddex bilood gudahood. Waxa kale oo aan daawaday taxane telefishin ah oo mawduuca milatariga ah oo lagu magacaabo Soz, waxaanan hadda daawanayaa Barbaroslar,” ayuu yiri.
DABAALDEGYO GAAR AH
Soomaaliya ayaa sanadkan u dabaal dageysay sanadguuradii 10-aad ee xiriirka gaarka ah ee ay la leedahay Turkiga.diblomaasiyiin shisheeye, saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho oo ay ka ciyaareen darwiishta turkiga oo ka dhacayay xarunta Xalane oo ay degan tahay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho.
“Fanaaniinta Soomaaliyeed iyo fanaaniinta Turkiga ayaa lagu casuumay si ay u soo bandhigaan sida uu u shaqeynayo is dhaafsiga dhaqanka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo dhammaan mas’uuliyiintii iyo dadkii ka soo qeyb galay ay aad ula yaabeen bandhigyada” ayuu yiri Xaashi.
Warshadaha aflaanta Turkiga ayaa dalka wax ka bedelay, iyadoo aflaan kale oo ajnabi ah ay lumiyeen awooddooda. Soomaalida ayaa markii hore aad u jeclaa daawashada filimada Bollywoodka, balse hadda waxaa taasi dhaaftay filimada Turkiga, ayuu Xaashi hadalkiisa sii raaciyay.