Isticmaalayaasha Soomaalida saamayn nuucee ah ayuu ku yeelan karaa isbadalka sharci ee ay samaynayso Telegram

Shirkadda Telegram ayaa sheegtay inay ku wareejin doonto ciwaannada IP-ga ee isticmaalaha iyo nambarada taleefannada Hay’adaha amniga ee haysta warqadaha baaritaanka ama codsiyo kale oo sharci ah.

Isbeddelka shuruudaha adeegga iyo siyaasadda qarsoodiga ah “waa in ay niyad jabiyaan dambiilayaasha”, waxaa sidaasi ku qoraal uu soo dhigay Telegram Isniintii, maamulaha shirkadda Pavel Durov.

“In kasta oo 99.99% dadka isticmaala Telegram aysan wax xiriir ah la lahayn dambiyada, 0.001% ee ku lug leh dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah waxay abuuraan muuqaal xun , iyaga oo khatar gelinaya danaha ku dhawaad ​​bilyan isticmaalayaashayada ah,” ayuu intaa ku daray.

Ku dhawaaqista ayaa u dhiganta isbedel weyn oo ku yimid Mr Durov, oo ah aasaasihii shirkadda oo isaga u dhashay Ruushka kaasi oo ay mas’uuliyiinta Faransiiska ku xireen bishii hore garoon diyaaradeed oo waqooyiga Paris ku yaalla.

Maalmo kadib, dacwad oogayaasha halkaas ayaa ku xukumay inuu suurto-geliyay in falal-dembiyeed lagu fuliyo bartaas.

Eedeymaha isaga ka dhanka ah waxaa ka mid ah u hoggaansamidda faafinta sawirro tacaddi ku ah carruurta iyo ka ganacsiga daroogada. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku guul-darreystay raacidda shuruucda xoojinta xakameynta waxyaabaha braha bulshada lagu faafiyo.

Mr Durov, oo beeniyay eedeymaha, ayaa dowladda Faransiiska cambaareeyay wax yar kadib xiriddiisa, isagoo sheegay in isaga loo qabsado dembiyo ay dad kale ku galeen barta ay tahay “wax lala yaabo” iyo “mari

Dadka cambaareeya bartan ayaa sheegay in Telegram ay noqotay meel dadka lagu marin-habaabiyo, sawirrada carruur qaawan lasoo dhigo, iyo waxyaabo la xiriira argagixisada sababo la xiriira inuu leeyahay qeyb u oggolaanaya arrimahaas kooxaha heysta xubno gaaraya ilaa 200,000.

Telegram ayaa bishii lasoo dhaafay lagu eedeeyay inay marti-gelisay kanaallada midig-fog ee ka qeyb qaatay rabshadihii ka dhacay magaalooyinka Ingiriiska.

Horraantii toddobaadkan, Ukraine ayaa app-ka ka mamnuucday qalabka dowladda si loo yareeyo khatarta uga imaaneysa Ruushka.

Xariggii loo geystay madaxa bartan ee 39 jirka ah ayaa dhalisay dood ku aaddan dhowridda mustaqbalka xorriyatul-qowlka ee internet-ka.

Kadib xiriddii Mr Durov, dad badan ayaa bilaabay inay su’aalo iska weydiiyaan in Telegram ay bar ammaan ah u tahay siyaasiyiinta mucaaradka, sida uu qabo John Scott-Railton, oo baare sare ka ah Citizen Lab-ka Jaamacadda Toronto.

Wuxuu intaa raaciyay in isbeddelka siyaasadeed ee ugu dambeyay uu durba la kulmay walaac dheeraad ah oo bulshada ka dhex abuurmay.

Mr Scott-Railton ayaa sheegay “in suuq-geynta Telegram ee ah inay tahay bar diideysa dalabaadka dowladaha ay soo jiidatay dadka doonayay inay ammaan ku dareemaan inay ku wadaagaan aragtiyahooda siyaasadeed iyagoo ku sugan meelaha sida Ruushka, Belarus, iyo Bariga Dhexe.”

Telegram wax faahfaahin ah kama aysan bixin sida ay shirkaddu u xakameyn doonto dalabaadka hoggaamiyeyaasha xukuumadahaas oo kale mustaqbalka, sida uu sheegay.

Khubarrada ammaanka internet-ka ayaa sheegaya in iyadoo Telegram ay hadda kahor meesha ka saartay kooxaha qaar, haddana ay leedahay hannaan dabacsan oo dhexdhexaad ka dhigaya xagjirka iyo waxyaabaha sharci-darrada ah intii ay la tartami lahayd shirkadaha baraha bulshada.

Soomalida iyo adeegsiga Telegram-ka

Soomaalida waxay ka mid tahay dadka sida wayn u isticmaala barta Telegram-ka.

Iyada oo ay jirto dad badan oo somaali ah oo hab wanaagsan u adeegsada barta Telegram-ka ayaa hadana waxaa jira kuwa u adeegsada dhanka xun.

Xeerarka shirkadda Telegram-ka ayaa dad badan u saamaxay in ay soo galiyaan waxyaabo anshax-daro ah taasi oo ay dad badan dhibsadaan.

Haddii ay isbadal ku sameyso shirkadda xeerarkeda waxaa meesha ka bixi kara waxyaabo badan oo horey lagu faafin jiray.

Dr Cabdulahi Axmed Maalin oo khabiir dhanka tiknoolajiyada gaar ammaanka internet-ka ayaa aaminsan in dan badan ay ugu jirto Soomaalida haddii ay isbadal sameyso shirkadda.

Waxaa uu farta ku fiiqay in dadkii soo dhigi jiray waxyaabaha anshax-darada ah haddii ay shirkadda badasho shuruucda ay meesha ka bixi doonaan.

Injineer ayaa sheegaya in maadaama ay shirkadda heli karto macluumaadka qofka isticmaalaya islamarkana ay sheegtay in ay u gudbinayso laamaha ammaanka

“Waxaa la ogaan doonaa IP-adres iyo xiriirka taleefoonka waxyaabo macluumaad ah oo markii hore aysan gudbin jirin oo ah macluumaadka isticmaalaha oo ay qarin jiree maanta kuwaas ayay soo bandhigi doontaa” ayuu yiri Mr Cabdulahi.

Waxaa u xusay in ay jiraan dad badan oo soomaali ah oo si wanaagsan uga faaideysat barta Telegram-ka, balse hadana ay jiraan tiro yar oo waxyaabo anshax xumo ah ku soo bandhiga.

“Aniga oo huba in dadka inta badan wanaag u isticmaalayeen oo ay ka faaideysanayeen kuwaas sharci walba oo lagu soo rogo uusan waxba u dhimi doonin, laakiin kuwa yar oo mararkii hore u isticmaali jiray ayaa waxaa laga yaabaa inay joojiyaan waxyaabahaasi,” ayuu intaa ku daray mr Cabdulahi.

Kahor siyaasaddan, Telegram ayaa keliya dowladaha la wadaagi jirtay xogaha dadka looga shakiyo argagixisanimada, sida laga soo xigtay warbaahinta 404 Media.