Isticmaalka Cuntooyin dhaqameedyada laga tagay Warbixin !!

3- July-2023-Dheeho”

Ku dhiirigalinta dadka Isticmaalka cunto dhaqameedka ama Traditional food ma noqon karaa hab ku habboon waddamada saboolka ah si ay u kordhiyaan isku filnaanta cuntada Iyaga oo yareeynaya ku tiirsanaanta badarka dibadda laga keeno? “

Ka tagitaanka hab-dhaqameedyada cuntada soo jireenka ah oo la quursaday ayaa lala xiriirinayaa cawaaqib-xumo nafaqa darro ah oo ku imanaysa dadyoow badan oo dunida ah kuwaas oo isku dhiba iibsashada cunooyinka warshadaha soo maray ,xili qiimo koror uu ku yimid maciishada dunida oo dhan tan iyo wixii ka danbeeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine

Cunista iyo soo saarka cuntada dhaqameedku waxay wanaajin karaan amniga nafaqeynta iyadoo la yareynayo kala-guurka cuntada ee carqaladeynaya, bixinta nafaqo iyo hagaajinta adkeysiga beeraha ,Siiba bulshooyinka horeba ula kulmay culayska Isbadelka Cimilada

Miraha, kala duwan oo ah badarka yar-yar, ee dhulka engegan, ayaa ah il heer sare ah oo laga helo fiber, antioxidants, borotiinada iyo macdanta, oo ay ku jirto birta.

Iyadoo ay jiraan wanaagyadaas, baahida loo qabo masago ayaa hoos u dhacday tobannaankii sano ee la soo dhaafay, taas oo saameyn ku yeelatay soo saarka, firilayda kale si baahsan oo doorbidistooda cuntadaas ay beddeleen kuwa warshadeeysan ee qaaliga ah.

Miraha, kuwaas oo ka mid ahaa dhirtii ugu horreysay ee la dhaqdo, hadda waxay ka yihiin wax ka yar 3% ganacsiga badarka caalamiga ah.

FAO waxa ay isku dayaysaa in ay beddesho hab-dhaqankaas iyada oo u aragta masagadu inay tahay hab ku habboon waddamadu si ay u kordhiyaan isku filnaanta cuntada oo ay yareeyaan ku tiirsanaanta badarka dibadda laga keeno

壯陽藥 ull is-resized”>