18 August 2020: Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo aqoonyahanno u ololeeya nabadda, xuquuqul insaanka iyo dimuqraadiyadda, oo ka kala socda dhammaan maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir, waxay ka digeyaan dib u dhac ku yimaado shirka Dhusamareb 3 oo ah shir muhiim u ah go’aan ka gaarista doorashooyinka la filaayo in dalka ka dhacaan 2020/21 Waxaa muuqata in walaac baahsan ay ka qabaan bulshada Soomaliyeed xalaada shirka dhusamareeb 3 iyo sida hogaamiyaasha aysan weli uga muuqan is ogolaansho iyo dulqaad ku aadan sidii hishiis looga gaari lahaa arimaha ku gudban qabsoomida doorashooyinka iyo nooca doorasho ee la filaayo in la qabto 2020/21 taas oo dadku raali ka noqdaan.
Bulshada rayidka Soomaaliyeed waxa ay ku adkaynaysaa madxada 2da heer ee Dawladda in
laga dhabeeyo lagana hishiiyo nidaamka doorasho oo uu dalka yeelan doono isla markaasna
keenta xasilooni iyo deganaan siyaasadeed.
Hadaba qabsoomida shirka Dhusamareb 3 wuxuu muhiim u yahay in hishiis siyaasadeed laga
gaaro arimaha doorashooyinka 2020/21 oo ah mid suurtogal ka dhigeysa in dalka doorasho
ka dhacdo waqtigeeda isla markaasna sii adkeyneyso hanaanka dowladnimo. Si kastaba ha
ahaato, mar haddii la rabo in hishiis siyaasadeed oo laysla ogol yahay lagu gaaro Dhusamareb
3 waxaa lagama maarmaan ah in dhamaan madaxda dowlada federalka iyo dowladaha
xubnaha ka ah dowlada federalka ay goobjog ku wada yihiin shirka.
Sidaas darted, bulshada rayidka waxey u soo jeedinayaan madaxda in wixii kala aragti
duwanaasho ee ku saabsan wadahadalada Dhusamareeb3 lagu dhameeyo miiska wadahadalada,waxey ugu baaqeysa madaxda labada heer ee dowlada federalka arimahan soo socda Ø In la ilaaliyo arimihii lagu heshiiyay Dhusamareeb 2 Ø In shirka laga wada qayb galo isla markaasna xil layska saaro in uusan marna dib u dhicin qabsoomidiisa laguna hishiiyo.
Ø In madaxwaynuhu uu qaato door odaytinimo iyo ururin dhamaan dhinacyada. Ø In shirka la joojiyo lana furo marka dhinacyada oo dhami yomaadaan.Ø Bulshada rayidka iyagoo tixgelinaayo cabashada madaxda Puntland iyo Jubbaland ee ku aadan wax yaabihii dhacey shirka Dhusamareeb2 ka dib ayey hadane ugu baaqayansa in madaxda Puntland iyo Jubbaland ka soo qayb galaan shirka iyagoo tixgelinaayo daruufaha adag ee dalka ku jiro iyo mas’uuliyada ka saran xal u helida qilaafka siyaasadeed ee hadda taagan. Ø In la dhiso Xukuumadii fulin lahayd waxa lagu heshiiyo,si isla xisaabtan u yimaado. Ugu danbeyntii, bulshada rayidka waxa ay si feejignaan leh indhaha ugu hayn doonaan ka dhabaynta iyo dardargelinta heshiiskaas Dhusamreeb3 ee la filaayo in FG/ FMS ku gaaran hishiis siyaasadeed