26- June-2023-
Dagaalka ayaa maanta ka d犀利士 uwan kii shalay iyadoo madaafiicda kala duwan laysu adeegsanayo, dhinaca waqooyigana u badan yahay.
Magaalada ayaa koranto la’aan ah iyadoo ay waxyeelo soo gaarsiiyeen madaafiicda waayirada dabka magaalada soo gaarsiiya. Majiro ilaa hada khasaare dagaalkan ka dhashay oo la ogyahay.
Magaalada Laascanood ayaa bilhii ugu dambeeyay deganayd marka laga reebo shalay iyo maanta dagaalada dhacay.
Labada dhinac ee dagaalku udhaxeeyo ayay qolaba qolada kala ku eedaynaysaa inay iyadu xabada bilawday.
Kaalmada shisheeyaha ayaa sii hurinaya colaada gobolada waqooyi Somalia ee Somaliland
Kaalmada shisheeye ee maamulka waqooyiga Somalia ee Somaliland ay ka hesho beesha caalamka ayaa waxay kobcisay xukun kali-talis ah oo ka qayb qaatay xadgudubyo iyo colaadda ka jirta magaalada Laascaanood-Bilihii la soo dhaafay.
Mucjisada muuqata & dimuquraadiyadda jabtay ka dib markii iskahorimaadyadu ay sababeen dhimashada boqolaal qof, iyadoo boqolaal kalana ay ku barakaceen ayaa waxaa ku biiray hanjabaad ka turjumeeysa Abuurista Xasilooni-daro guud oo saameysa Koonfurta Somalia oo markeedii horaba halgan kula jirtay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.
Jethro Norman wuxuu qoray inay jirto waji cad oo caalami ah oo ku wajahan dhibaatada dagaalka gobolada waqooyi ee Somalia
Kuwa ku sugan Washington, London iyo Brussels way ka war hayaan dhibta ka jirta Waqooyiga Somalia & Cawaaqib-xumada ka dhalan kara gargaarkooda iyo xeeladahooda maalgashiga.