7- June-2023- News agencies
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay fashilisay weerar ismiidaamin ah oo kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Doollo ee ku taalla xadka Soomaaliya, sida ay ku sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka Arbacadii.
Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa baabi’iyay weeraradii ismiidaaminta ahaa, waxayna burburiyeen hub ay u adeegsanayeen kooxda argagixisada ah,” ayay raacisay.
Al-Shabaab oo lala xiriirinayo Al-Qaacida, ayaa muddo 15 sano ah waday jabhad hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Kooxda hubeysan, ayaa dhanka kale ku sheegtay shabakadeeda isgaarsiinta inay fuliyeen laba weerar oo ismiidaamin ah oo ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin xuduudka Soomaaliya, sida ay sheegtay kooxda la socodka Mareykanka ee SITE.
Weerarka koowaad ayaa lagu beegsaday “xarunta taliska ciidamada deegaanka” halka kan labaadna lagu weeraray bakhaar hub iyo rasaas ah, sida ay sheegtay.
Labada howlgal ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,” ayay kooxdu sheegtay. Al-Shab犀利士 aab ayaa caan ku ah in ay buunbuuniyaan sheegashada guulaha ay ka gaareen goobta dagaalka.
Dhacdadan lagu eedeeyay ee ka dhacday Doollo ayaa kusoo beegmaysa maalmo kadib markii Uganda ay shaacisay in 54 ka mid ah askarteeda lagu dilay weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa Muqdisho laga saaray sanadkii 2011-kii, waxaana ka saaray ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, balse wali waxay ka talisaa deegaano badan oo baadiyaha ah, waxaana ay sii wadaa weerarada ay ku hoobtaan ee ay ku beegsanayaan dadka rayidka ah, kuwa siyaasadda iyo ciidamada.
Waxay la beegsatay Itoobiya si ay uga aargoosato in Addis Ababa ay ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan ciidamada Midowga Afrika ee loo yaqaanno ATMIS-ta si ay meesha uga saaraan kooxda hubaysan. Bartamihii 2022, kooxda hubaysan ayaa weerar ku qaaday dhowr xero oo ciidamada Itoobiya ku leeyihiin xuduudka labada dal.
ATMIS oo ka kooban 22,000 oo askari ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka caawinaya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2022-kii markaasoo ay bedeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).