2- July-2023- Reuters”
Ciidamada Itoobiya ayaa dagaal culus ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan gobolka Axmaarada, sida ay sheegeen dadka deegaanka Arbacadii shalay, iyadoo uu cirka isku sii shareeray khilaafkii u dhexeeyay labadan nin ee hore u wada shaqayn jiray, kaasoo uu dhakhtarku sheegay in uu sababay dhaawaca in ka badan toban.
Fano, oo ah malleeshiyo waqti-dhiman ah oo aan lahayn talis rasmi ah, ayaa ku taageeray ciidamada federaalka dagaal sokeeye oo socday laba sano oo ka dhacay gobolka Tigray ee deriska la ah, kaasoo dhammaaday bishii November ee la soo dhaafay. Laakin xidhiidhka ayaa xumaaday kadib markii dadka qaar ee gobolka ku nool ay sheegeen in ay dawlada qaranku ay ka xuntahay amaanka Amxaarada.
Dagaalyahanada Fano iyo Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ayaa Talaadadii iyo Arbacadii ku dagaalamay meel u dhow Debre Tabor, sida uu sheegay dhakhtar ku sugan isbitaal ku yaalla magaalada iyo sarkaal booliis ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Labaduba waxay codsadeen inaan la magacaabin sababo amni awgeed.
Afhayeen u hadlay dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka gobolka Axmaarada ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan in wax faallo ah laga bixiyo Arbacadii.
Dhaqtarka ayaa sheegay in Isbitaalka la geeyay 3 qof oo qaba dhaawacyo halis ah iyo 10 qof oo qaba dhaawacyo fudud oo isugu jira dhaawacyo rasaas iyo hub culus.
“Dagaalku wuxuu maanta ka socday duleedka magaalada,” ayuu yiri dhakhtarku, isagoo intaas ku daray in jidka soo gala Debre Tabor ay xiran tahay. “Kuwa dhaawacmay waxay ku imaanayaan lug.”
Waxaa sidoo kale dagaal ka dhacay meel ka baxsan magaalada Kobo subaxnimadii Talaadada, balse xaaladdu way deggan tahay Arbacadii, sida ay Reuters u sheegeen laba ka mid ah dadka deegaanka Kobo.
Ilo diblomaasiyadeed oo magacooda qariyay ayaa sheegay in dagaalku uu dhacay dhowr maalmood ka hor markii ay ciidamadu bilaabeen howlgal ay ku doonayeen in dagaalyahannada Fano ay uga saaraan Kobo iyo deegaanno kale.
Maleeshiyada Fano ayaa intaa kadib la wareegay magaalada barakeysan ee Lalibela oo ah halka ay ku taalo xarunta UNESCO ee Dhaxalka Adduunka, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.
Safaaradda Spain ee dalka Itoobiya ayaa ku amartay qof kasta oo Isbaanishka ah oo ku sugan Lalibela inaysan ka soo bixin hoteellada iyo meelaha ay deggan yihiin, sida lagu sheegay farriin la soo dhigay baraha bulshada ee X oo hore loo oran jiray Twitter.
Talaadadii, warbaahinta dawladda ee Itoobiya ayaa ka soo xigatay afhayeenka ENDF, Colonel Getnet Adane, isagoo sheegay in militarigu ay qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah Fano “ka khalkhalgelinta nabadda dalka”