Itoobiya: jabhadda Fano ayaa horumar ka samaynaysa dagaalka ay kula jirto maamulka Abiy

Itoobiya :Damac bad raadis Iyo Dabeyl burbur👉By/ Elmi Osman Farah Boodhari

Kacdoonka gobolka Axmaarada ayaa sii xoogaysanaya Iyadoo jabhadda FANo oo horumar ka samaynaysa dagaalka ay kula jirto maamulka Abiy ay la wareegtay labadii maalmood ee u danbeeysay magaalooyin dhowr ah

Maleeshiyada FANo oo xiran saliimka Islamarkaana rumeysan in Abiy ay ka difaacayaan mad-habta diintooda Orthodox-ka ayaa lagu soo dhaweeyay magaalooyin ay ka furteen maamulka Adisababa

“Waan Soo Laaban Doonaa” ayay halheys ka dhinteen xoogaga FANo, xili Adisababa ay xoojisay olole ka dhan ah shaqaalaha rayidka ah, suxufiyiinta iyo siyaasiyiinta taageersan kacdoonka Qowmiyada Amxaarada

Qaadashada sawirada Imbaradoorkii Xayle Salaasa ayaad moodaa in uu mideeyay kala duwanaashaha diimeed ee Qowmiyada Axmaarada oo kacdoonka bilaabay markii la isku khilaafay hub ka dhigista maleeshiyadii uu maamulka Adisababa u adeegsaday dagaalkii uu ku qaaday gobolka Tigray

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay dowlada Itoobiya in boqolaal qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan bulshada tacliinta, lagu xiray magaalooyin Caasimada iyo gobolka Axmaarada ka tirsan tan iyo markii uu biloowday kacdoonka FANo iyadoo colaada Qowmiyadaha uu marayo meel aad u liidata

Fashilka ka heeysta gudaha Abiy waxa culeeys kale ugu sii kordhiyay faragalinta dariskiisa Iyadoo gaalangal guuleystay uu hogaanka somalia ee Xasan Sheekh u galay sidii uu soo afajari lahaa riyadii Abiy uu ku doonayay dhulbalaarsiga Iyo kala qeybinta midnimada Somalia

Hogaamiyaasha Somalia, Masar iyo Eritrea oo ku shiray Asmara ayaa isku raacay arrimo la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga amniga marin-biyoodka bada Cas iyo gacanka Baabu Al-Mandab, Iyadoo kulankaas lagu dhisay Isbaheysi ujjeedadiisa ugu weyni ay tahay ka hortaga damaca Itoobiya uga jira Badda Cas