16″ October “2022
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii shalay waxa uu walaac xooggan kaga muujiyay dagaalka ka socda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay ciidammada dawlad壯陽藥 da iyo xoogaga gooni-u-goosadka ah ku dhex-jireen colaad tan iyo bishii November 2020-ka.
Rabshadihii ugu dambeeyay ayaa billowday bishii Ogosto, ka dib xabbad-joojin bini’aadinimo oo jilicsan oo shan bilood ah, taasoo joojisay gargaarkii la geyn jiray gobolka woqooyiga Itoobiya, halkaas oo ku dhawaad shan milyan oo rayid ah ay u baahan yihiin gargaar.
Qaybinta gargaarka ayaa waxaa weli caqabad ku ah shidaal la’aan, iyo isgaarsiintii gobolka Tigray oo dhan oo hawada laga saaray, halka taliyayaasha Tigreegu ay sheegeen in Eritrea ay qaaday duullaan ay ku taageerayso ciidamada dowladda Itoobiya, sida ay wararku sheegayaan.
Shaqaale gargaar, dad rayid ah ayaa la dilay
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan samatabixinta ee International Rescue Committee, ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalahooda lagu dilay weerar ka dhacay Tigray, xilli ay gargaar u gudbinayeen haweenka iyo carruurta magaalada Shire, Jimcihii.
Warbixin ay soo saartay Sabtidii, ayay hay’addu ku sheegtay in qof kale oo ka tirsan shaqaalaha IRC uu sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, waxaana la sheegay in laba qof oo kale oo rayid ah ay ku dhinteen saddex kalena ay ku dhaawacmeen intii uu socday duqeynta. Shaqaalaha gargaarka iyo dadka rayidka ah waa in aysan waligood bartilmaameed noqon, ayay IRC raacisay.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Shire iyo deegaanada kale ee Tigreega ayaa la kulmay duqeymo dhowr ah tan iyo bishii Ogosto.
‘saameyn xun’
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenkiisa, in kor u kaca dagaalku uu “saameyn ba’an ku yeelanayo dadka rayidka ah oo markii horeba ahaa xaalad bini’aadanimo oo aad u daran”.
Wuxuu ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.
“Xoghayaha Guud wuxuu ku celinayaa inuu si buuxda u taageersan yahay geeddi-socod dhexdhexaadin ah oo uu hoggaamiyo Midowga Afrika, wuxuuna mar kale xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay taageerto dib u billaabidda wadahadallada degdegga ah si xal siyaasadeed waara looga gaaro colaaddan musiibada ah.”