Itoobiya oo iska fogeysay eedeyn uga timid Soomaaliya

Itoobiya ayaa iska fogeysay eedeyn uga timid Soomaaliya oo aheyd in ciidamadeeda ay shalay weerareen fariismo ay ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Bayaan ay isniintii soo saartay ayey wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ku tiri “Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan loo fuliyay ayay ciidamada Itoobiya ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad Sugidda NISA, iyo Booliska.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in weerarka ay waxyeello ay ka soo gaartay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi, iyo muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Ayada oo ka jawaabeysa, ayey wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya sheegtay in ay aad uga xun tahay bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya 23-kii December 2024.

“Eedeyntan run maaha. Dhacdadan waxaa billaabay dhinacyo gaar ah oo doonayo in ay wiiqaan caadiyeynta xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya. Dhinacyadan saddexaad ayaa damacsan inay khalkhal galiyaan xasilloonida Geeska Afrika, waana qaswadayaasha joogtada ah ee nabadda gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya.

“Waa in aan loo ogolaan in ay fashiliyaan ballan-qaadka labada waddan ee nabadda sida ku cad Baaqa Ankara. Dowladda Itoobiya ayaa sii wadi doonta in ay kala shaqeyso hay’adaha ay khuseyso ee dowladda Federaalka Soomaaliya in laga hortago shilalka nuucaan oo kale ah.”

Arrintan ayaa imaneysa ayada 11-kii December ay labada dal kala saxiixdeen Baaqa Ankara, oo ah heshiis lagu soo afjaray xiisaddii ka dhaxeysay ku dhowaad halka sano, kaasi oo uu fududeeyey madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan.

Erdogan ayaa ku tilmaamay horumarkan mid taariikhi ah, waxaana wada-hadalladan soo dhaweeyay Midowga Afrika, Washington iyo Brussels.

Isla shalay, Wafdi ka socda Dawladda Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Balcad, ayaa tegay magaalada Addis Ababa, si ay u sii ambaqaadaan heshiiskii Ankara ee dhex-maray madaxda labada dal.