25″ July ” 2022
Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Soomaalidda ethiopia Mustaf cagjar ayaa booqday ciidamo uu sheegay in ay qeeyb ka qaadan doonan La dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo fariisimo cusub ka raadsanay in ay ka sameeystaan gudaha itoobiya
Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomalida ayaa oo sagaatinayay Ciidamadaan una jeediyay khudbad ayaa sheegayin Ciidamada difaaca qafanka JDFI ayaa ku soo biirayaan hawlgalka lagu baacsanaayo Kooxa shabaab.
Waxa uu sheegay in ay qeeyb weeyn ka qaadan doonan La dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaqyo xoogan ka waday Xuduudda kala qeeybiso Soomaaliya iyo Dowlad degaanka.
Ciidamadaan oo gaarayo ilaa labo kun iyo shan boqol oo askari ayaa waxa uu Madaxweynahu carabaabay in xoojinaaya Ciidamada Xooga gaarka DDS ee xudduuda ka difaacaya argagixisada Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa dhankooda waxa ay xalay intii ugu badneyd oo ciidan ah ka gudbiyeen x壯陽藥 adka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Dowlad degaanka, kuwaaas oo maanta isku farasaaray degaanka Beer-Gadiid, iyadoona ilaa hatan aan dagaalka kaga helin wax xog ah oo Faah-faahsan.