27- January-2024
壯陽藥 e”>Itoobiya oo qoraal xiisad qaboojin ah u dirtay golaha ammaanka Qaramada midoobay si isu hortaagto dood goluhu ka yeesho heshiiskii is-afgaradka ee ay la gashay gobol ka mida somalia, kaas oo carqalad cusub ka abuuray geeska Africa
Dowladda Ethiopia ayaa qoraal xasaasi ah oo ay uga been abuureyso xad-gudubka ay kula kacday madax-banaanida Soomaaliya u dirtay safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay.
Qoraalkan oo ay ku sheegtay in ay dowladda federalka Soomaaliya ku ogeysiisay heshiiskii Addis Ababa, ayaa looga dan leeyahay baajinta dood uu Golaha Ammaanka ka yeesho is-afgaradkii ay 1-dii bishaan Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen.
Itoobiya waxay ku andacoonaysaa in dekadda ay doonayso ay tahay mid ganacsi qaybna ka ah xiriirkii iskaashi ee kala dhexayn jiray Somaliland ee dhanka badda, ganacsiga, maalgashiga, beeraha, caafimaadka, ammaanka, waxbarashada, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Xeeladahan dublamaasiyadda ee khiyaanada ku dhisan ayaa ujeeddadoodu tahay in lagu marin habaabiyo laguna jahawareeriyo xubnaha golaha ammaanka iyadoo la iska dhigayo. heshiisku ma aha mid ku xad-gudbaya madax-bannaanida iyo madax-bannaanida Soomaaliya, mana aha mid labada ummadood ka dhex abuuraya colaad iyo xasillooni-darro ka dhacda gobolka.
Hoggaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi, ayaa sheegay in Is-afgaradku uu dhigayo in Badda laga galo Saldhig Millatari, halkii ay ka noqon lahayd Deked Ganacsi, si loo ictiraafo.
Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxa ay ku andacoonaysaa in ay runtii tahay deked ganacsi, kana fogaato in la sheego saldhiga milatari iyo aqoonsiga Somaliland.
Sidoo kale, Itoobiya waxay ku andacoonaysaa inay ku wargelisay Dowladda Federalka Somaliya, balse DFS ayaa beenisay inay warkaasi heshay. Waxa ay sidoo kale taageertaa go’aanka Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, kaas oo ku baaqaya in la dhexdhexaadiyo.