Itoobiya oo diiday eedeyn Mareykanku u jeediyay oo la xiriirta xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee

17-:May-2024

Dowladda Itoobiya ayaa diiday khudbad uu jeediyay safiirka Mareykanka oo ku baaqay in si wanaagsan loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ay khudbaddaas ku tilmaantay “mid aan la rabin” iyo “talo-xumo”.

Isagoo booqanaya dhisme taariikhi ah oo dhowaan dib loo dayac-tiray oo ku yaalla caasimadda Addis Ababa Abacadii, ayaa danjire Ervin Massinga wuxuu ku baaqay “hannaan cadaalad oo hufan” si wax looga qabto warbixinnada ku saabsan dilalka aan sharciga ahayn, xarigga aan sharciga ahayn, tacaddiyada galmada iyo xadgudubyada kale.

“Cidda ay mas’uuliyadda ka saaran tahay inay maamulaan Itoobiya, dowladda halkan, waddanku wax badan ayuu ka helayaa nabadda marka loo barbar dhigo furimaha dagaalka,” ayuu yiri

“In la xiro oo la dhibaateeyo dadka dhaliila dowladda ma xalineyso arrimaha ay tahay in wax laga qabto,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa cambaareysay khudbaddii Khamiista, iyada oo sheegtay in ay ku jireen “eedeymo iyo talo aan loo baahnayn oo ku socda dowladda Itoobiya.”

“Hadalkaasi waa mid talo-xun, waxaana ku jira sheegashooyin jaahilnomo ah. Waa mid liddi ku ah xiriirka taariikhiga ah ee saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Maraykanka,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda.