Itoobiya oo soo dhoweysay dadaallada dhex-dhexaadinta ee Kenya iyo Uganda

Dowladda Itoobiya ayaa soo dhaweysay qorshaha Kenya iyo Uganda ay ku doonayaan inay ku dhex-dhexaadinayaan khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa arrintan dhowaan ka sheegay shir madaxeedka dalalka EAC ee Arusha.

Hase yeeshee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wada-hadal la galeyn Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Somaliland.

Maxaa sababay dabacsanaanta ay muujisay Itoobiya?

Ka mid noqshada Howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa laga saaray Itoobiya Iyadoo dagaaka diblomaasiyadeed ee ay qaaday dowlada Somalia uu noqoday mid xaqiijiyay go,aanka ilaalinta gobonimada Soomaaliya

Walaaca beesha caalamku ka qabto Xasiloonidaro baahsan oo ka Abuuranta geeska Afrika ayaa sii xoogaysanayay tan iyo Iskudeygii Adisababa ay ku dooneeysay inay ku qaadato qeyb ka mida biyaha Somalia

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guul weyn ka gaarta loolankii siyaasadeed ee ay kula jirtay Itoobiya, oo haatan laga reebay howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, kaas oo bilaaban doono sanadka soo socda ee 2025-ka

Djibouti ,Kenya, Uganda iyo Burundi ayaa ilaa iyo hada la hubaa inay u diyaarsanyhiin howlgalka cusub ee AUSSOM kaas oo ka mid noqoshadeeda codsi la aqabalay ay soo gudbisay Masar

Wasiir Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in ciidanka Itoobiya aysan qayb ka noqondoonin howlgalka AUSSOM oo ka bilaabanaya dalka.

Maxaa Isbadalay Hada?

Dalku mudo dheer waxa uu ahaa mid aan laga la tashan amnigiisa iyo cida ka qeyb noqoneeysa laakiin hada waxaan soo gaarnay heer taas ka badalan

Muqdisho ayaa shaacisay in ciidamada Itoobiya gabi aan laga saarayo dalka ilaa dhammaadka sanadkan 2024, si loo soo afjaro joogitaankooda, muddo ka badan 15 sano oo xiriir ah

Talaabadan waxay guul weeyn u tahay xasilooni caga adag ku taagan oo soomaalia ka hirgasha, Iyadoo sidoo kale meesha ka saareysa marmarsiya danbe ooy Itoobiya u hesho hub ay ku daabusho Somalia ⤵️

Adiga aragtidaada waa maxay ?