13 Feb-2024
Iyadoo ay ka sii darayso Colaada Suudaan Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Bariga Iyo Geeska Afrika waxay sii wadaan xoojinta qorshayaasha lagu ilaalinayo dadka rayidka ah
Ururada Xuquuqda Aadanaha ee Suudaan oo uu horkacayo Timothy Kos ayaa wada tashi saddex maalmood qaatay la yeeshay Masuuliyiin uu ku jiro Agaasimaha Pan-African human right defenders Dr Hassan Shire
Masuuliyiin daladda difaaacayaasha xuquuqda aadanaha dalalka Africa ayaa uga mahadcelinyay Timothy iyo kooxdiisa dadaaladooda ku aaddan ilaalinta HRD ee Suudaan .
Inkastoo qalalaasaha dabadheeraaday壯陽藥 ee colaada Suudaan ay sii xumeeysay duruufaha bani’aadamnimo ee halkaas ka jira hadan sii wadida qoryaasha ilaalinta rayidka ayaa wadahadaladan lagu qiimeeyay ,iyadoo la eegayo xaaladda ay hadda ku sugan yihiin RHRDs.
Sahminta dhinacyo dheeraad ah iyo iskaashi looga golleeyahay in kor loogu qaado ammaanka dhaqdhaqaaqyaasha difaaca Xuquuqda Aadanaha Suudaan ayaa ah arin mudnaanteeda leh,iyadoo Saddexdii bilood ee la soo dhaafay, lix difaacayaasha xuquuqda aadanaha ah lagu dilay El Geneina, ee galbeedka Darfur
ProtectDefenders.eu ayaa muujisay welwelkeeda ku aaddan colaada Sudan iyo khatarta weerarrada ka dhanka ah dadka ku lugta leh dhaqdhaqaaqyada difaacayaasha xuquuqda aadanaha