Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Mombasa oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble

Ra’iisul Wsaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Mombasa ee dalka Kenya kuwaas oo uu ugu warbixiyay xaaladda dalka iyo doorashooyinka dalka ka bilowday

ra'iisul wasaare rooble oo la kulmay jaaliyadda soomaaliyeed ee magaalada mombasa

Masuuliyiinta Jaaliyadda ayaa iyaguna dhankooda uga waramay Ra’isisul Wasaaraha xaaladahooda nololeed,ganacsi iyo xiriirka wadashaqeyneed ee kala dhaxeeya shacabka Kenya.

ra'iisul wasaare rooble oo la kulmay jaaliyadda soomaaliyeed ee magaalada mombasa

Qaar ka mid ah jaaliyada oo kulankas ka hadlay ayaa waxa ay xuseen in dad badan oo Soomaaliyeed ay ganacsi xoog leh ku leeyihiin Kenya sidaa awgeedna ay muhiim u arkaan soona dhaweynayaan booqashada uu dalkan ku yimid Ra’isul Wasaarahu iyo Wafdigiisa iyaga hoosta ka xariiqay in uu wanaagsaado xiriirka diblomaasiayadeed ee labada dal in ay dan ugu wada jirto shucuubta labada waddan ee dariska ah.

Ra’isul Wasaare Rooble oo weli booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa shalay la kulmay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay ganacsiga.

ra'iisul wasaare rooble oo la kulmay jaaliyadda soomaaliyeed ee magaalada mombasa

Raysilwasaae Rooble Oo War Kasoo Saaray Doorashadii Ka Dhacday Garoowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble aya壯陽藥 a ka hadlay doorashadii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayuu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeeyey bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa kaloo uu u hambalyeeyay xildhibaannada cusub ee Senatorada oo Maanta kusoo baxay doorashadii dhacday, isla markaana waxaa uu u rajeeyay in howsha harsani ay si xasilloon ku soo idlaato.

Sidoo kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ku boggaadiyey soo gudbiyay liiskii u horreeyay ee Murashaxiinta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Dhammaan Dowlad-goboleedyada waxaan kula dardaarmayaa in ay dedejiyaan howsha doorashada maadaama waqtigu is gurayo, si loogu dul shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay” ayuu kusoo gaba-gabeeyay Qoraalkiisa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.

Doorashada Aqalka Sare ayaa ka dhacday Magaalada Garoowe, isla markaana waxaa lagu doortay 11-ka Xildhibaan ee Puntland ku matelaya Golaha Aqalka Sare, waxaana doorashada dhacday ay aheyd mid inta badan xubnahii la tartamayey Musharaxiinta ay tanaasuleen

Leave a Reply