Jabhada Fano oo la wareegtay Magaalooyin dhowr ah & TPLF Oo laba garab Noqotay

Jabhada Fano ee ka dagaalanta gobolka Amxaarada ayaa gacanta ku dhigay dhowr magaalo iyo tuulooyin Iyadoo maamulka Adisababa uu ku dhawaad 40,000 oo ciidamo ah uu diray gobolka Amxaarada

Xiisada gudaha Itoobiya ayaa cirka isku sii shareereysa iyadoo ay laba garab noqdeen Xoogaga TPLF ee gobolka Tigray, xili Madaxweynaha naamulka gobolka Soomaali galbeed Mustafa Muxumud Cagjar uu ka dhaga adeeygayo qorsha Abiy oo magaca Soomaalida Itoobiya loogu badalayo bariga Itoobiya

TPLF Oo Laba Garab Noqotay

Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo uu hogaamiyo Debretsion Gebremichael (PhD) ayaa shaaca ka qaaday in ay xilalkii ka qaadeen shan xubnood oo ka tirsanaa maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigray oo uu ku jiro madaxweyne Getachew Reda.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay, “Masuuliyiinta maamulka KMG ah, oo uu ku jiro Madaxweyne Getachew iyo xubnaha kale ee golaha wasiirada iyo madaxda xafiisyada, ma yeelan doonaan awood ay ku hogaamiyaan, go’aanno, ama soo saaraan awaamiir.”

Kooxda TPLF ayaa ku nuuxnuuxsatay in go’aankan la gaadhsiin doono dhamaan hay’adaha ay khusayso, sida hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, hay’adaha maamulka ee heerarkooda kala duwan, ciidamada nabad sugida Tigray-ga, dowladda federaalka, maamul goboleedyada, beesha caalamka iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.

Itoobiya: Maamulka ku meel gaadhka ah ee TPLF oo ku eedeeyay in ay xasilooni darro ka wadaan gobolka – oo ka digay in tallaabo sharci ah laga qaado iyada oo ay sii kordheyso xiisadda.

Maamulka ku meel gaadhka ah ee Tigray-ga ayaa digniin culus u diray Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) ee uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael (PhD), oo ay ku eedeeyeen inay isku daydo inay “qalalaase ka abuurto” gobolka iyagoo u maraya dhaqdhaqaaqyo carqaladayn iyo sharci darro ah.

Maamulka ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado madaxda kooxda TPLF, iyagoo ku sababeeyay dadaallada ay kooxdu ku doonayso in ay qalalaase iyo fowdo ka dhex abuurto gobolka Tigray.

Hadalkan ayaa imaanaya maalin kadib markii kooxda TPLF ay ku dhawaaqday in ay xilalka ka xayuubiyeen 5 sarkaal oo muhiim u ahaa maamulka kumeel gaadhka ah oo uu ku jiro madaxwayne Getachew Reda.

Warsaxaafadeedka kooxda TPLF ayaa lagu yidhi, “Masuuliyiinta maamulka ku meel gaadhka ah ee uu ka mid yahay Madaxweyne Getachew iyo xubnaha kale ee golaha wasiirada iyo madaxda xafiisyada, wixii hadda ka dambeeya ma yeelan doonaan awood hogaamineed, go’aan qaadasho iyo awaamiir toona.

Iyagoo ka jawaabaya, maamulka ku meel gaadhka ah ee Tigray wuxuu ku eedeeyay kooxda Debretsion oo shirwayne isugu yeedhay inay isku dayeen “inqilaab”.

Maamulka ayaa kooxda TPLF ku dhaliilay in ay ka shaqaynayaan in ay gobolka ku faafiyaan fowdo iyo qalalaase iyaga oo ka digay in ay kooxdaasi ka qaadi doonaan talaabo sharci ah.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhibaato kasta oo ka dhalata tallaabadan sharciga ah ay mas’uul ka noqon doonaan oo keliya “Kooxda iyo madaxdooda.”

Maamulka ku meel gaadhka ah ayaa sidoo kale cambaareeyay kooxda Debretsion “in ay u arkaan dulqaadka iyo midnimada dadka Tigrayga ee wajahada dhacdooyinkii ugu dambeeyay inay tahay daciifnimo.”

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kooxdan ay si cad u muujiyeen rabitaankooda ah in ay gobolka ka abuuraan fowdo.

Intaa waxaa dheer, maamulku wuxuu xusay in kooxda Debretsion “ay u dhaqmayaan si mas’uuliyad-darro ah, iyagoo doonaya inay qalalaase ka abuuraan gobolka,” iyagoo gacan ka geysanaya xasillooni-darrada halkii ay xalin lahaayeen arrimaha.

Marka la eego xaalada ayaa ciidamada Tigraygu waxay soo saareen bayaan ay ku muujinayaan in labada garab ee kooxda TPLF ay soo saareen hadalo iska soo horjeeda oo maamulka ku meel gaadhka ah.

Laamaha ammaanka ayaa walaac ka muujiyay in hadaladaasi ay yihiin kuwo abuuraya jahawareer iyo qalalaase ka dhex abuurma shacabka gobolkaasi.

Ciidamada Tigreega ayaa ka digay in aysan u dulqaadan doonin falalka liddiga ku ah amniga iyo falalka liddiga ku ah ee ka dhasha hadalada iska soo horjeeda ee ka soo yeeraya labada kooxood, waxayna ku nuuxnuuxsadeen in aysan ogolaan doonin wax kasta oo wax u dhimaya nabada iyo amniga gobolka.