Jabhadda Tigreyga Itoobiya ayaa billaabay inay wareejiyaan hubka culus iyo kuwa fudud

壯陽藥 medium-font-size”>11″ January “2023 ” SOURCE: NEWS AGENCIES

Fallaagada Tigreega ayaa bilaabay inay dhiibaan hubkooda culculus iyo kuwa fudud, kaasoo qayb muhiim ah ka ahaa heshiis la saxeexay laba bilood ka hor oo lagu soo afjarayo colaadii ka taagnayd waqooyiga Itoobiya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka jabhadda. Dheeho.com

Hub-wareejinta oo ka dhacday magaalada Agulae oo qiyaastii 30km (18 miles) waqooyi bari kaga beegan magaalada Mekelle ee xarunta gobolkaasi ayaa waxaa kormeeray koox kormeerayaal ah oo ka kooban xubnaha labada dhinac iyo wakiilo ka socda urur goboleedka IGAD key part of an agreement signed more than two months ago

Qodobada heshiiska nabadeed ee la saxiixay 2-dii Nofembar waxaa ka mid ah in hubka laga dhigo ciidamada fallaagada, dib u soo celinta awoodda federaalka ee Tigray iyo dib u furidda gelitaanka iyo isgaarsiinta gobolka oo go’naa tan iyo bartamihii 2021-kii.

Dagaalku wuxuu qarxay Noofambar 2020 markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu u daabulay ciidanka si ay u soo xiraan hoggaamiyayaasha Tigrayga oo bilihii ugu dambeeyay caqabad ku ahaa maamulkiisa oo uu ku eedeeyay inay weerareen saldhigyada ciidamada federaalka.

“Tigray waxay ku wareejisay hubkeeda culculus taasoo qayb ka ah sida ay uga go’an tahay fulinta heshiiskii #Pretoria” ee ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo fallaagada Tigrayga, afhayeenka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray Getachew Reda ayaa Arbacadii ku sheegay bartiisa twitter-ka.

Iyadoo la xaddiday gelitaanka Tigray-ga, suurtagal maaha in si madax-bannaan loo xaqiijiyo xaaladda dhulka, oo ay ku jiraan joogitaanka ciidamada Eritrea.

Hawlgallada bini’aadantinimada ayaa sare u kacay ilaa heshiiskii nabada, laakiin cadadka cuntada iyo gargaarka daawaynta ee la keenay ayaa weli ah mid aad uga hooseeya baahiyaha baaxadda leh.

Bangiga ugu weyn Itoobiya ee CBE ayaa 19-kii Diseembar sheegay in uu dib u bilaabayo shaqadii uu ka hayay magaalooyinka qaar, waxaana dib loo soo celiyay xiriirkii telefoonada ee gobolka.

QM ayaa sheegtay in dagaalka uu ku barakiciyey in ka badan laba milyan oo Itoobiyaan ah, waxaana in ka badan 13.6 milyan oo qof ay ku tiirsan yihiin gargaarka bini’aadantinimo ee waqooyiga Itoobiya.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay iskahorimaadka, kaasoo inta badan lagu dagaalamay iyadoo warbaahinta la xaddiday.

Kooxda u dooda xasaradaha caalamiga ah iyo kooxda xuquuqda ee Amnesty International ayaa ku tilmaantay “mid ka mid ah kuwa ugu dhimashada badan adduunka”.

Dagaalka ayaa joogsaday tan iyo heshiiskii nabadeed ee bishii November, fallaagada ayaa sheegtay in 65 boqolkiiba dagaalyahanadooda ay ka saareen jiidaha hore.

Balse Tigreega ayaa dhaleeceeyay “tacaddiyada” ay sheegeen in ay geysteen ciidamada Eritrea iyo ciidamada gobolka ay dariska yihiin ee Axmaarada, kuwaas oo ku taageeray ciidamada federaalka ee dagaalka.

Maamulka Tigreega, iyo sidoo kale dadka deegaanka iyo samafalayaasha oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP, ayaa ku eedeeyay bililiqo, kufsi, dil iyo afduub loo gaystay dad rayid ah.

Leave a Reply