12- November-2023
壯陽藥 – wp:image {“id”:112221,”sizeSlug”:”full”,”linkDestination”:”none”} –>
Dowladda Jabuuti ayaa markii u horaysay Hawada Sare u dirtay Dayax gacmeed sida uu xaqiijiyey Wasiirka Waxbarashadda iyo Cilmi baarista Nabiil Maxamed Axmed ayaa yiri ” wax aan aad ugu faraxsanahay Tijaabadda Dayax gacameedka loo yaqaan Jabuuti-1A,”tijaabadan ayaa waxa iska kaashaday Machad ku yaal dalka Faransiiska iyo Arday Reer Jabuuti ah.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hore u balanqaaday in Dowladda Jabuuti oo ka faa’iidaysanaysa dhaqaalaheeda iyo khuburadeeda ay tijaabin doonto dayax gacmeedkii u horreeyey.
Dayax-gacmeedkan oo lagu magacaabo “Djibouti-1A” ayaa soo uruurinaya xogaha iyo macluumaadka cimilada & isbeddelada dunida, waxa kale uu gacan ka gaysanaya cilmi-baarista.
