Jabuuti oo mar kale xukun maxkamadeed uu ku dhacay, dacwadda kala dhexaysa DP World

29-July-2024″ Jabuuti oo mar kale xukun maxkamadeed uu ku dhacay, dacwadda kala dhexaysa DP World

Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa waxay amartay in la dhaqan galiyo 200 oo Malyan oo Doollar oo lagu xukumay in ay dawladda Jabuuti siiso shirkadda DP World, taasoo ka dhigaysa in DP World ay mar kale sharciga kaga guulaysatay dalkaas ku yaalla geeska Afrika, ka dib markii xukuumadda Jabuuti ay shirkadaas ka joojisay inay maamusho qaybta konteynarrada ee marsada Dooraale.

Sannadki hore ayey DP worl maxakamadaha Maraykanka ka xaraysay dacwadda, ayadoo dalbanaysay in inla dhaqan galiyo go’aanki ay ku abaalmarisay maxkamadda caalamiga ee dhexdhexaadinta ee London (LCIA), ka dib markii laga joojiyey, waa sida ay ku dacwootaye, maamulka terminalka kontaynarrada ee Dooraale.

Go’aankan oo maalmo ka hor ay gaaratay maxkamadda degmada ee District of Columbia ayaa si aan diidmo lahayn u ogolaatay dacwaddii ay shirkaddu soo gudbisay ee qayb ahaan lagu abaal mariyey 2022.

Inkastoo ay DP World ay tahay saamile laga tiro badan yahay, misna waxay haysatay xuquuqda maamulka, waxaana muranku uu billowday 2018 marki Jabuuti ay joojisay maamulidda ay shirkaddu maamulaysay Dooraale oo ay la wareegtay gacan ku haynta Terminalka, ayadoo sabab uga dhigtay shuruuc cusub oo la xiriirta heshiisyada kaabeyaasha

Dawladda Jabuuti ma aysan joogin maxkamadda, inkastoo ay matalayeen Kramer Levin Naftalis & Frankel oo ah hay’ad qareenno.

Madaxweyne Geelle "DP World kama shaqaynayso danaha dekedaha Jabuuti"
Qoraalka sawirka,Madaxweyne Geelle “DP World kama shaqaynayso danaha dekedaha Jabuuti”

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo bishii June, 2018, wareysi gaar ah siiyay laantaaf-Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay dacwadda u dhaxeysa dowladdiisa iyo shirkadda DP World

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay leedahay saamiyada ugu badan shirkadda, ayna arkeen shirkadda DP World in aysan ka shaqaynaynin danaha dekedaha Jabuuti, sidaasna ay ula wareegeen maamulka.

Balse waxa uu intaas ku daray: “Waan u ogolnahay saamigoodiii, balse waa in la’isku ixtiraamaa sida loo kala saami badanyahay”.

“Hase ahaatee, ilaa hadda, Jabuuti waxay dhagaha ka fureysatay dhammaan go’aannada kasoo baxay maxkamaddaas, iyadoo la ogyahay in heshiiska hore iyo qandaraaskaba ay ku saleysnaayeen sharciga Ingiriiska”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay xilligaas soo saartay DP World, oo ah shirkad ay inteeda badan leedahay dowladda Imaaraadka.

Qandaraaskii ay labada dhinac galeen markii ugu horreysay wuxuu ahaa in DP World ay gacanta ku heyso maamulka dekedda Doraleh, sida lagu xusay war-saxaafadeedkaas.

DPW

Go’aanka dowladda Jabuuti ay maamulka dekedda Doraleh kala wareegtay DP World ayaa ka dambeeyay markii ay shirkaddu xilligaas sheegtay inay dhisayso dekedda Bebera ee ay maamusho jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, si nay uga faa’iideysato Itoobiya.

Tallaabadaas ayey Jabuuti u arkeysay mid halis galineysa ganacsiga ay kaligeed heysatay ee ku saabsan kala daabulista badeecooyinka Itoobiya.

95% badeecooyinka Itoobiya waxay soo maraan dekedaha Jabuuti.

DP World, oo fadhigeedu yahay Dubai ayaa sheegtay in dowladda Jabuuti ay shan jeer oo hore iska dhaga tirtay amarro kasoo baxay maxkamadda.

Mas’uuliyiinta Shirkaddan dekedaha maalgalisa ayaa sheegay inay hadda sugayaan jawaabta ay dowladda Jabuuti ka bixin doonto xukunka ugu dambeeyay ee ay maxkamadda soo saartay.

Iskuday ay BBC samaysay si aan arrintaas macluumaad dheeraad ah uga helno dhinaca Jamhuuriyadda Jabuuti ayeysan noo suurto galin, laakinse afhayeen u hadlay DP World ayaa yiri “ Maamulayaasha Jabuuti waxay si is dabajoog ah u muujiyeen inaysan u hogaansamayn maxkamadda, isku xukunka sharciga iyo xeerarka ganacsiga wanaagsan”. DP world waxay wararku sheegayaan inay qaaradda Afrika ka hawlgalayso muddo 20 sano gaareysa.