25″ December “2020”
Wasiirka arimaha dibadda dalka Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo xaley u waramey saxaafadda ayaa si rasmi ah u shaaciyey in wafti ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Djibouti oo iskugu jirra diplomaasiyiin iyo saraakiil sare oo milatari ay maanta u amba bixi doonaan Soomaaliya.
XAYEEYSIIN”
Wasiirka ayaa sheegay in wafdigan ay soo qiimeyn doonaan xaaladda soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmooyinka Belad Xaawo iyo Mandheera, oo ay xiisado ka oognaayeen maalmahan.
Wafdiga Djibouti ay u dirtay deegaanka xuduuda mandhera iyo balad xaawo ee dalalka somalia iyo kenya ayaa yimid maalmo ka dib markii labada dal ay ku heshiiyeen shirkii madaxeedkii dalalka IGAD In hoos loo dhigo xiisada .