Jaceylkii gaamuuray ee Boqoradda iyo Amiir Philip

10″ April ” 2021 ” BBC

Guurka soo jiray in ka badan toddobaatan sano, Amiir Philip wuxuu ahaa taageerada boqoradda ee fagaareyaasha xilliyada munaasabadaha qaran ee muhiimka ah iyo kuwa gaar ahba wuxuuna ahaa qof si fiican u yaqiinnay.

“Prince Philip waa ninka keli ah ee caalamka ku nool oo boqoradda ula dhaqma si la mid ah dadka caadiga ah. Waana shaqsiga keli ah ee sidaa sameynayey” ayuu yiri mid ka mid ah xoghaynta gaarka ah oo mar ka hadlay xiriirkooda.

Guurkooda wuxuu ahaa mid Jaceyl ku dhisan. Labadooduna wey isdoorteen.

Xiriirkooda qotada dheerna wuxuu ka soo billaabanayaa sawirro ay ku wada galeen kulankoodi Kulliyadda cilmiga badda ee Dartmouth Naval College sanadka marka uu ahaa 1939, tasoo ahayd barti ay ka soo billaabatay noolal wadaaggooda

Wuxuu ahaa arday 18 jir ah oo soo jiitay indhaha gabadha 13 jirka ah ee Amiirad Elizabeth, isaga oo ka hadlaya ciyaaraha Rikeetka iyo Tennis.

Kulanki dhalinyaranimada ka soo billowday ayaa sanado ku sii socday dhamabaallo jaceyl oo la isdhaafdsado iyo booqashooyin dhif oo xilliyada dagaalka. Xilli uu Amiirka ka mid ahaa ciidamada badda oo uu shaqooyin ku maqnaa boqoradda waxay qolkeeda ku haystay sawirkiisa.

Amiirad Elizabeth (qofka seddexaad ee bidixda) waxay la sawiran tahay qoyskeeda xilli ay ku jirtay Royal Naval College, oo ku yaalla Dartmouth bishii July 1939-kii
Qoraalka sawirka,Amiirad Elizabeth (qofka seddexaad ee bidixda) waxay la sawiran tahay qoyskeeda xilli ay ku jirtay Royal Naval College, oo ku yaalla Dartmouth bishii July 1939-kii

Noolashiisa carruurnimada waxay ku saleysneyd reer guuraanimo. Aiirka wuxuu ahaa mid xornima buuxda haysta, dareen xoogganna leh. Halka ay iyadu ku soo barbaartay xeeyndaabka boqortooyada oo wey ka qarsooneyd caalamka intiisa kale. Dabeecadaheedana waxay ahayd mid dhowrsan, xishood iyo aragti dheerna leh.

Awoowgood Amiir William ayaa marki dambe soo gunaanaday xiriirkooda isaga oo leh: “Wuu ka qosliyaa maxaa yeelay waxyaabaha uu sheego iyo waxa uu qabanayo qaarkood iyo sida noolasha uu u arko ayaa xoogaha ka duwan iyada, balse wadajirkoodu waxay noqonayaan lammaane aad u qiima badan.”

‘Jaceyl xad dhaaf ah’

Inkasta oo ujeedkiisu sanad ka hor iclaamiyey haddana wuxuu la sugay ilaa iyo Elizabeth u dabbaaldageyso 21 jirkeeda, waa markaa marka uu si rasmi ah loo shaaciyey xiriirkooda guur.

Amiir Philip wuxuu naqshadeeyey faraatigii uu marwadiisa u xiri lahaa oo ka sameeysan macdinta Dheeman iyo Platinium, iyada oo laga sameeyey dhagaxaan hooyadii Amiirad Alice uu ka dhaxlay.

Waxyar ka hor guurkooda, Amiir Philip Boqoradda hooyadeed wuxuu u qoray farriin uu ku sheegayo “Inuu Jaceyl xad dhaaf ah oo aan la qarin uu u qaaday”.

Labbaanaha boqortooyada oo ku sugan qasriga Buckingham guurkooda kaddib

Lamaanaha waxay isku guursadeen Westminster Abbey iyada oo xafladda guurkooda ay goob joog u ahaayeen 2,000 oo qof. Laba sana un kaddib marki uu soo dhammaaday dagaalki labaad ee adduunka xilli uu weli dalka Britain la liicliicayo saameynti dagaalka, xafladdoodda arooska oo ahayd dabbaaldag dhif ah oo xiligaasi dhacday, Winiston Churchil wuxu xafladdaasi uu ugu yeeray “Sawir qurux badan wax ka baddalayo xaaladdi adkeyd ee aan soo marnay”.

Sanadihi xigayna, waxaa u dhashay wiilkoodi ugu horreeyey oo curadkooda ah Amiir Charles, kaddibna waxaa u dhalatay gabadhooda Anne. Amiir Philps wuxuu heerar kala duwan uu ka gaaray ciidamada badda isaga oo qoyskiisana wakhti kula qaatay Malta, xilli uu ka tirsanaa ciidanki HMS Chequers oo dagaalki labaad ee adduunka howl galayey.

Waxayna qoyskan dhalinyarada ah ay fursad u heleen iney ku noolaadaan noolal caadi ah iyaga sawirro iyo muuqaallo isaga qaadayey, iyaga oo isku faraxsan wakhtigana iskula qaadanayeen jawiga daggan ee ka baxsan qasriga iyo waajibaadka shaqo.

Arrimahaasi oo dhan waxay isbeddeleen 6-dii Fabraayo sanadkii 1952 xilligaasi oo uu geeriyooday Boqor George VI. Boqorad Elizabeth xilligaasi da’deeda waxay ahayd 25 jir halka Amiir Philip ay da’diisu ahayd 30 jir. Waxayna ogaayeen in Amiirad Elizabeth ay noqoneyso boqorad haddana waxay rajeynayeen iney helaan dhowr sano oo ay ku sii noolaadaan noolashooda u gaarka ah.

Duke ahaan, xaaladda iyada ku soo biirtay waxay ku qasabtay inuu ka tanasulo himilooyinkii uu ka lahaa ciidamada boqortooyadda ee badda. Nin maraakiib dhan amri jiray in si kedisa ah loogu celiyo door taageerid ma ahayn mid sahlan.

Waxaana xusid mudan xilligaasi oo ah 1950-kii oo ay naadir ahayd in la arko Sey ay xaaskiisa ka sarreyso. Boqorad ahna hooya da’yar ah, waxay ku qasbaneyd iney soo horumariso doorki ay u dhalatay ee boqortooyo.

‘Laba ficil’

Haddii xiriirkooda uu xumeeyo sababa la xiriira xilka cusub ee ay qabatay, waxay ku xallisay albaabbada oo u xiran.

Amiir Philip xoogaha wakhti ayuu qaatay si uu u qeexo kaalintiisa kaga aaddan xaaskiisa iyo marxaladaha ku gadaaman.

1956-kii, muddo afar bilood ah wuxuu safarro uu ku soo maray waddamada barwaaqa sooranka taasoo ay dadka qaar su’aal ka keeneen sida uu ugu heellan yahay xaaskiisa. Balse marki ay labada lammaane sal dhigteen waxaa loo dajiyey qorshe ku aaddan tobannaaka sana ee soosocota qaabki ay u wada noolaan lahaayeen.

Waa sawir ay la galeen Madaxweyne John F Kennedy iyo Xaaskiisa Jackie, iyaga oo ku sugnaa qasriga Buckingham
Qoraalka sawirka,Waa sawir ay la galeen Madaxweyne John F Kennedy iyo Xaaskiisa Jackie, iyaga oo ku sugnaa qasriga Buckingham

Duke wuxuu suurageliyey Boqoradda iney gudato kaalinteeda madaxtinimo halka uu isaguna qabtay doorka madaxa qoyska halka dunidana ay uga muuqatay iney iyadu tahay madaxa. Amiir Philip wuxuu u xilsaarnaa hilib dubisata halka ay iyaduna alaabta dhaqeysay sida lagu arkayey filim dokumantari ah oo ku saabsan qoyska boqortooyada oo la sameeyey sanadkii 1960-kii.

Marwelibana wuxuu ku wehilnayey munaasabadaha qaranka ee waaweyn, boqoashooyinka waddamada, furitaanka baarlamanka, xafladaha xuska, sanad guurooyinka iyo barnaamijyada mahdnaqa ee la qabto

Daawo muuqaallada inta badan waxaad arki doontaan dabacsanaanta dhaxdooda ah iyo dhoollacaddeyn yar. Xilliyada ay ku jiraan munaabadaha ugu caansan qaarkood.

Queen Elizabeth iyo Prince Philip

Boqoradda waxay aad u jeceshahay eeyda iyo fardaha, wakhtiyada ay fasaxa tahayna waxay wakhti ku qaadataa tababarrada farda fuulka. Amiir Philip wuxuu noolashiisa oo dhan uu ahaa ciyaaryahan caan ah, wuxuuna aad u jeclaa inuu ku ordo, waxaana inta badan la arkaa isaga oo gaari ku wado agagaaraha Windsor Great Park ama Sandringham. 

Amiir Harry 2012-kii wuxuu yiri: “Iyada oo aan la eegeyn awoowgeey inuu sameynayo wax u gaar ah, uma maleynayo iney iyadu wax badan qaban lahayd isaga la’aantii.”

Ilaalada khaaska ee loo yaqaanno ‘HMS Bubble’

Ugu dambeyntina in mudda ah oo uu Amiir Philip soo shaqeynayey 2017-kii ayuu iska casilay noolasha arrimaha bulshada. Isaga oo wixi intaa ka dambeeyey ahaa mid aan boqoradda ka fogeyn wehelna u ah ama caawiyo xubnaha kale ee qoyska inta ay ku gudajirto gudashada waajibaadka saaran. Ilaa iyo bishii March 2020-kii Duke waxaa inta badan lagu arkayey beerta Wood Farm oo ku taallo Sandringham oo ka tirsan Norfolk.

Wuxuu ahaa qof caan ah balse buunbuuninta aan jecleen wuxuuna ahaa mid hadalkiisa uu kooban yahay salaantana jecel sida oo kale wuxuu aad u xiiseeyn jiray wax akhrinta, qoridda iyo inuu wax sawiro.

Si kastaba ha ahaatee markii uu yimid cudurka safmarka ee Covid-19 waxaa la go’aamiyey labadooduba iney ku gaashaantaan dhismaha Windsor oo ay ku sugan yihiin ilaala heersare ah oo loo yaqaanna ‘HMS Bubble’

Amiirka Edinburgh Boqoradda sanadkii 2007-dii

Laga billaabo bishii Maarso 2020-ka bilihi ugu dambeeyey guurkooda cudurka safmarka awgii waxay waqti badan kuwa wada qaateen si ka duwan wakhtiyadi ay horay u qaadan jireen. Qasriga dhexdiisana waxay ku qaadanayeen saacado aan dhammaad lahayn oo ay ku xusuustaan waxyaabaha aan caadiga ahayn ee ay soo mareen ama soo wada arkeen.

In kabadan 70 sanadood waxay ahaayeen laba naf oo dhan walba ka midoobay oo isku mid ah, boqoradduuna waxay dareemi doontaa geerida ay ku weyday Amir Philip mid qoto dheer oo uur ku taalla ku rrebta.

Dadka sida cad u muujiya jaceylkooda kuwooda ugu mudan waxaa lagu xusuusan oo tusaala wanaagsan u noqon doonta sheekada Jeceylka ee qoyska boqortooyada.

Bbcsomali.com

Leave a Reply