Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen ayaa Maanta oo Axad ah soo saaray Jadwalka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in qabashada Codsiyada Musharixiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen ay bilaabaneyso maalinta oo berri oo ah 2-da Bishaan November.
Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Khudbadaha Musharxiinta Guddoonka Baarlamaanka la dhageysan doono 3-da bishaan November, isla markaana Musharaxiinta ay Xildhibaanada u jeedin doonaan khudbadahooda.
Ugu dambeyn Guddiga Doorashada ayaa shaaciyay in Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen ay dhicin doonto 4-ta bishaan November oo ku beegan maalinta Arbacada ee soo socota.
Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle.
