Jamaal Cusmaan oo ah Wariye la shaqeeya Argagixisada ayaa lagu xiray garoonka Garoowe

18-Fwb-2024

Wariye la shaqeeya argagixisada Alshabaab oo la yiraahdo Jamaal Cismaan oo ka tirsan warbaahinta calamiga ah ee Channel 4 ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Garoowe,

Illo wareedyo ka tirsan howl-wadeennada garoonka ayaa sheegay in Wariye Jamaal Cismaan la xiray kadib markii uu kasoo degay garoonka, ayna u bilaabatay su’aallo weydiin la xiriirta safarkiisa.

Jamaal oo ku caan baxay ka waranka argagixisada iyo inuu si dad badan barahiisa bulshada ugu taageero Shabaab ayuu Sirdoonka Puntland wax ka weydiinayaan ujeedka booqashadiisa deegaanada maamulkaasi

Wariye Jamaal ayaa horey hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay magaalada Muqdisho uga tarxiishay xilli uu booqasho ku yimid, iyada oo lagu haystay inuu buun-buunin u sameeyay kooxda Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ayaa markaasi un billowday dagaalka ka dhanka ah Shabaab, islamarkaana soo saartay awaamiir warbaahineed oo ku saabsan in dhamaan wararka la xiriira kooxda oo ay ku jiraan falalkooda iyo fikirkooda inay yihiin dambiyo ciqaab mudan.

Leave a Reply