Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ka wada hadlay arrimo la quseeya Xariirka Somaliland iyoqaramada Midoobey.
Wada hadal Taleefanka ah oo ay yeesheen labada Mas’uul ayay kaga hadleen xaaladda siyaadadeed ee Somaliland iyo QM, waxana la sheegay in ay isku afgarteen qaar ka mid ah waxyaabihii ay ka wadahadleen,
James Swana ayaa la sheegay in Muuse Biixi sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka iyo macaamiilka ka dhexeeya labada dhinac, maaddama Somaliland ay dhawaan ku dhawaaqday in ay xariirka u jartay QM, waxaana uu James si gaar ah kaal hadlay in wada hadal lagu dhammeeyo waxyaabaha la isku hayo.
Somaliland ayaa dhowan ku dhowaaqday inay deegaanada ka mamnuucday Ha’adaha Qaramada Midoobay, waxaana jiray eedo culus oo ay usoo jeedisay QM.