James Swan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya

18″ November ” 2021″ BBC

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa ku baaqay doorashada Golaha Wakiillada Shacabka ee Soomaaliya in la soo gabagabeeyo ka hor dhammaadka sanadkan.

Wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo kuraasta aqalka sare ee la dhameystiray oo 14 ka mid ah ay haween yihiin, iyo billaabashada doorashada golaha wakiillada shacabka.

Gaabiska doorashada

犀利士 =”220″/>

James Swan oo Arbacadi Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya wuxuu sheegay inuu bogaadinayo dadaallada billowga ah ee socdo oo lagu doonayo in lagu dhaqaajiyo doorashada golaha wakiillada shacabka.

Iyada oo James Swan xilliga uu warbixinta soo jeedinayey ay madasha ku wehliyeen Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Marwo Caasha Siyaad oo u ololeysaa sidii ay haweenka qoondadooda 30 boqolkiiba uga heli lahaayeen doorashooyinka.

Doorashooyinkii qof iyo cod ee Puntland

Wuxuu intaa raaciyey marka laga soo tago diyaargarowga doorashada heer qaran, ay si nabad ah u qabsoomeen doorashooyin qof iyo cod ah oo bishii Oktoobar ka dhacay saddex degmo oo ka tirsan Puntland, taasoo muujisay “suurtagalnimada in doorasho qof iyo cod ah ay dhici karto Soomaaliya waxayna hoosta ka xariiqday rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qaybgalka siyaasadda iyadoo la raacayo nidaamka caalamiga ah ee doorashooyinka

Khilaafkii Farmaajo iyo Rooble

Danjire James Swan waxaa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay Qaramada Midoobay iney sii wadeyso la shaqaynta iyo taageeridda saamileeyda muhiimka ah si loo horumariyo hannaanka doorashada. Isaga oo ku baaqay in dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si degdeg ah ugu dhaqaaqaan soo gabagabeynta doorashada Golaha Shacabka, si loo dhameystiro doorashada baarlamaanka ka hor dhammaadka sanadkan.

Swan waxaa kale uu sheegay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ka dhex curtay bilihii Agoosto iyo September, uu ka dhashay laba arrimood oo kala ahaa magacaabista saraakiisha sarsare ee nabadsugidda iyo sidii loo maamuli lahaa. Baaritaanka lagu hayo sarkaal ka tirsaneyd Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee la waayay, ayaa la sheegay in xiisadahaasi ay hadda yaraadeen.

Ammaanka iyo Shabaabka

I

James Swan mar uu warbixintiisa uu kaga hadlayey ammaanka dalka Soomaaliya wuxuu sheeegay Nasiib darro, xaaladda ammaan ee Soomaaliya weli waa mid kacsan isaga oo bogaadiyey dadaalka iyo naf-hurnimada ciidamada Amniga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee maalin walba hortaagan Al-Shabaab.

Dagaalkii gobollada dhexe

Wuxuu carrabka ku dhuftay dagaalki Guricel ka dhacay oo u dhaxeeyey Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Dowlad Goboleedka Galmudug oo garabsaneyso ciidamada dowladda Federaalka.

Xaaladda bini’aadamnimo ee Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u xun, waxaana u sii dheer colaado, barakac iyo cudurro dillaaco.

Barakac ballaaran

Qaramada Midoobay waxay qiyaaseysaa in 7.7 milyan oo Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar bini’aadannimo sanadka 2022. Qiyaastii 1.2 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano ayay u badan tahay in ay nafaqo darro ba’an 2022-ka la soo deristo iyada oo aan la helin daaweyn degdeg ah.

Ilaa 2.9 milyan oo qof ayaa lagu qiyaasay inay ku barakacsan yihiin gudaha dalka oo dhan, taasoo ka dhigeyso mid ka mid ah tirada ugu badan ee barakacayaasha adduunka. “Xaaladdan oo kale, waxaan aad uga walaacsanahay in Qorshaha Ka jawaabista xaaladda Bani’aadamnimada ee 2021 hadda boqolkiiba 51 keliya la maalgeliyo. “

Wuxuuna warbixintiisa uu ku soo gabagabeeyey inkastoo horumar laga sameeyey hannaanka doorashada Soomaaliya haddana dadaallada ay wadaan madaxda siyaasadda Soomaaliya weli loo baahan yahay in “la laba jibbaaro toddobaadyada soo socda, si doorashada baarlamaanka federaalka ay ugu soo dhamaato guul, si markaas doorashada madaxweynaha loogu qaban karo sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah.”

Leave a Reply