26″ December “2020 Muqdisho”
Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa beeniyay in ciidankiisa ay la wareegeen Saldhigga degmada Waabari ee gobalka Banaadir.
Janaraalka ayaa sheegay in Saldhiga uu u tagey dad kaga xiran islamarkaana aysan jirin wax shaqaaqo ah oo dhacay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan suurtagal aheyn wararka laga qoray ee ah inuu weeraray Saldhig dowladeed.
Ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay Waabari iyo Muqdisho, hase yeeshee Janaraalka ayaa kamid ahaa ehalada dad maanta lagu xiray Saldhiga degmadaas oo tagay Saldhigga si dadkooda loogu sii daayo.