15- August-2023
Jilaaga filimada Bollywood-ka Akshay Kumar ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inuu markale qaatay dhalashada Hindiya, oo uu ku beegay maalinta xoriyada Warbixin 👉Dheeho.com
Kumar, oo dhaleecayn kala kulmay dhalashadiisa Canada, ayaa sawirka shahaadadiisa dhalashada Hindiya kula wadaagay taageerayaashiisa barta X, oo hore u ahaan jirtay Twitter.
Kumar, oo inta badan la kulma dhaleecayn la xiriirta dhalashadiisa Canada, ayaa sawirka shahaadadiisa dhalashada Hindiya ku wadaagay X, oo hore u ahaan jirtay Twitter.
“Dil aur dhalasho, dono Hindustani (Qalbiga iyo dhalashada, labadaba Hindiya) Maalinta Madax banaanida Farxada leh! Jai Hind!” 55-jirka ayaa ku yiri barta X
Kumar ayaa horay u sheegay in uu soo maray marxalad aad u liidata xirfadiisa sagaashameeyadii markii uu keenay in ka badan 15 Flops oo xiriir ah taasna ay ku riixday in uu dalbado dhalashada Canada.
Xaaladiisa dhalasho ayaa si aad ah isha loogu hayay ka dib markii uusan codeyn inta lagu guda jiro doorashadii Lok Sabha ee 2019 inkastoo uu sheegay xiligaas inuu dalbaday baasaboor Hindi ah.
Arrintu waxay sidoo kale noqotay mawduuc laga doodo ka dib markii uu waraysi “aan siyaasad ahayn” la yeeshay ra’iisul wasaare Narendra Modi ka hor doorashada.
Dhanka shaqada, Kumar wuxuu hadda ku jilaa OMG 2, sidoo kale waxaa ku jira Pankaj Tripathi iyo Yami Gautam. Filimkan ayaa tiyaatarada la saaray todobaadkii hore.