2″ April “2021” WASHINGTON
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saxiixay dikreeto uu muddo sannad ah ku kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee Maryakanku ku soo rogay Somalia.
Cunaqateyntan oo loo soo rogay xaaladda amni ee Somalia ka jirta darteed, waxaa hore u ansixiyay madaxweynayaashii Biden ka horreeyey ee Barack Obama iyo Donald Trump. .
Qoraal kooban oo ka soo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu saxiixay warqadda kordhinta Cunaqabateynta Dhaqaalaha Soomaaliya ee loo cuksaday arrimaha dhanka amniga.
“Iyada oo la qadarinayo Xaaladda Soomaaliya, Amniga iyo Siyaasadda waxa ay ku socdaan meel khatar ah, Siyaasadda qaran ee Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu qiimeyay xaaladda aan caadi ahayn” Sidaasi waxaa lagu yiri Warqadda Aqalka Cad kasoo baxday
“Sababta xaaladda Degdega ah dhalisay ayaa lagu dhawaaqay 12-kii April 2010, waxaana tallaabada la qaaday 20-ka July 2012, waana in aan sii wadnaa xayiraadda laga bilaabo 12-ka April 2021”. ayaa ka mid ahaa ereyadii lagu qoray qoraalka.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu ilaalinayo amarka Tirsigiisu yahay 13556 taas oo ka dhigan in uu sii soconayo 12-ka Bilood soo socota oo waxaa qiimeyn lagu sameynayaa sanad kadib sida ay sheegtay Warbaahinta Mareykanka oo si qoto dheer u gashay nuxurka cunaqatabeyntaas.