Joojinta Twitter-ka saxafiyiinta New York Times, CNN iyo Washington Post -waxaa ka yimid qaylodhaan caalami ah

16″ Dec “2022” SOURCE: AL JAZEERA, REUTERS

Ka Joojinta Isticmaalka Twitter-ka koox saxafiyiin ah ayaa soo jiitay dib u dhac caalami ah iyadoo ay jirto in fiidnimadii Khamiista, Tiro suxuiyiin ah- oo ay ku jiraan New York Times, CNN iyo Washington Post – laga joojiyay Twitter-ka ogeysiis la’aan. Dheeho.com

Joojinta aan horay loo arag ee Twitter-ka oo ugu yaraan saameeysay shan saxafi oo lagu eedeeyay in ay daaha ka qaadeen goobta dhabta ah ee milkiilaha Elon Musk ayaa soo jiidatay jawaab celin degdeg ah the “Thursday Night Massacre

Dowladaha Maraykanka, Farnsiiska,Jarmalka, Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub kooxaha u dooda xuquuqda Aadanaha iyo ururada saxafiyiinta adduunka oo dhan ayaa ka hadlay talaabada Twitter-ka uu ku xayiray Wariyaasha kuwaas oo cambaareeyay joojintan, ayaa qaarkood waxay sheegeen in madasha Twitter-ku uu halis ku yahay xorriyadda saxaafadda.

Wasiirka warshadaha ee Faransiiska Roland Lescure ayaa jimcihii bartiisa twitterka ku soo qoray in ka dib joojinta Musk ee saxafiyiinta, uu joojin doono dhaqdhaqaaqiisa Twitter-ka.

Xafiiska arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa uga digay Twitter-ka in wasaaraddu ay dhibaato ku qabto dhaqdhaqaaqyada wax u dhimaya xorriyadda saxaafadda.

Dhacdada, oo mid ka mid ah cilmi-baarayaasha amniga Internet ee caanka ah uu ku calaamadiyeen “Xasuuqii Habeenka Khamiista ayaa dadka dhaleeceeya waxay u arkaan caddayn cusub oo bilyaneer-ka Elon Musk ka bixineeysa fasiraad qofka uu yahay-Ka saarista Twitter-ka hadalka isticmaalayaasha uu shakhsi ahaan neceb yahay Musk ayaa su,aal galinaya xoriyatul qawlkii uu isku arkayay Milkiilaha cusub ee Twitter-ka

Qaramada Midoobay ayaa “aad uga xumaatay” joojinta aan loo meel dayin ee lagu hayo wariyeyaasha barta Twitter-ka, ayuu yiri afhayeen u hadlay Qaramada Mdoobay Stephane Dujarric Jimcihii, isagoo intaas ku daray in codadka warbaahinta aan lagu aamusin karin goob lagu sheegay inay siinayso meel ay ku hadlaan xorriyadda hadalka.

https://twitter.com/BoodhariFarah/status/160384933062犀利士 3930368?t=117uyA1i4rMw8hgCAyYhUA&s=19

“Tallaabadan ayaa dhigaysa tusaale khatar ah xilli saxafiyiinta adduunka oo dhan ay wajahayaan faafreeb, hanjabaado jireed iyo xitaa wax ka sii daran,” Dujarric ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Joojintan ayaa ka dhalatay khilaaf ka dhashay akoon Twitter ah oo lagu magacaabo ElonJet, kaas oo la socday diyaaradda gaarka ah ee Musk iyadoo la adeegsanayo xog si guud loo heli karo.

Ururka Horumarinta Ganacsiga & Tifaftirka iyo Qorista ayaa bayaan uu soo saaray Jimcihii ku sheegay in ficillada Twitter-ka ay uu “ku xad-gudbeyo Wax-ka-beddelka Koowaad iyo mabda’a ah in goobaha warbaahinta bulshadu ay u oggolaan doonaan qaybinta macluumaadka aan la sifeynin ee horeyba ugu sugnaa fagaaraha dadweynaha”.

Musk ayaa si kooban uga soo muuqday barta Twitter-ka ee maqalka ah ee ay martigeliyaan saxafiyiinta, kaas oo si dhakhso ah isu beddelay dood muran badan dhalisay oo ku saabsan in wariyeyaasha issicmaalka Twitter laga joojiyay ay dhab ahaantii soo bandhigeen goobta dhabta ah ee Musk ee xadgudubka hadalka xorta ah

Leave a Reply