Jubalaland oo soo saartay jadwalka doorashada 16 kii kursi ee ku harsanaa Iyadoo ay qaadaceen doorashada ceelwaaq xubnaha garabka farmaajo ee maamulka gedo

15″ April “2022” Kismaayo

Jubalaland oo soo saartay jadwalka doorashada 16 kii kursi ee ku harsanaa xili maamulka gedo ee garabka farmaajo ay qaadaceen doorashada ceelwaaq

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ( SEIT) ayaa shaaciyay xiliga rasmiga ah ee ay qabanayaan doorashada壯陽藥 16-ka  Kursi ee degaan doorashada 2aad ee Jubbaland

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu yiri: “Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ( SEIT) oo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay GHDHF/56/2022 kana soo baxday guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal FEIT kuna taariikhaysnayd 13/04/2022 ayna ku cayimeen goob doorashada 2-Aad ee Jubbaland waxay guddiga SEIT Jubbaland halkan ku shaacinayaan jadwalka doorashada 16-ka kursi oo lagu qabanayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo”.

Maamulka Gedo garabka farmaajo oo qaadacay Doorashada ka dhaceysa Ceelwaaq

Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Axmed Buulle Gired ee ka soo horjeeda maamulka Jubbaland ayaa qaadacay Doorashada Guddiga FEIT ay ka wareejiyeen magaalada Garbahaarey ee ka dhaceysa Ceelwaaq.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Guddoomiyaha ayuu ku sheegay in maamulkooda ay si gaar ah Doorashada 16 kursi ugu qabsanayaan magaalada Garbahaarey.

Sidoo kale, waxaa uu tilmaamay in tillaabada lagu cilaamiyay Doorashada Ceelwaaq ay ka hor imaaneyso heshiiska 17 September oo saldhig u ah hannaanka doorashada, kaasi oo dhigaya in Doorashada ka dhacdo Garbahaarey.

Hadalka ka soo yeeray maamulka Gobolka Gedo ayaa ku soo aadaya Xilli ay dhowaan guddiga Doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland shaaciyeen doorashada 8 kursi oo ka dhaceysa magaalada Ceelwaaq.