Jubaland oo ka falcelisay hadalka R/wasaare Xamsa oo markii ugu horreysay meel fagaare ah uga hadlay khilaafka dowladda dhexe iyo Jubaland.

Maamulka Jubaland ayaa ka falceliyay hadalka Ra’iisulwasaaraha Soomalaaliya Xamsa Cabdi Barre oo markii ugu horreysay meel fagaare ah uga hadlay khilaafka dowladda dhexe iyo Jubaland.

Khudbad uu jeediyay ra’iisulwsaaruhu ayuu ku eedeeyay madaxda Jubaland in ay ka baxeen heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa in la mideeyo doorashada maamullada iyo in laga dhigo mid qof iyo cod ah.

Wasiirka Warfaafinta ee Jubaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo ka jawaabay hadalka raiisulwsaaraha ayaa sheegay ‘in dastuurkoo ay iyaga qabsan karaan’.

“Ra’iisulwsaaruhu waa in uu isagu dib iskugu noqdaa , waxa aan xasuustaa xilli uu ku doodayey in Jubaland ay doorasheeda u madaxbanaantahay halka uu maantay ku doodayo doorashada Jubaland ma aha mid sharci ah”, ayuu BBC da u sheegay wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdifitaax Mukhtaar.

Ra’iiuslwsaare Xamsa ayaa sheegay in kulamadii hore ee Madasha Wadatashiga Qaran oo uu gobjooga ka ahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe in lagu go’aamiyay in la mideeyo doorashooyinka heer maamul goboleed iyo in laga dhigo mid qof iyo cod ah, iyo in la sameeyo hal guddi doorasho oo maamula doorashooyinka heer Maamul Goboleed iyo heer Federaal, sida uu ku yiri khudbadiisa.

“Waxaan ogoosnahay in madaxda Jubaland ay horseed ka ahaayeen dhammaan go’aamadii kasoo baxay Madasha Wadatashigs Qaran ee dalka loogu jiheeynayey doorasha Qof iyo cod ah” ayuu yiri ra’iisulsaare Xamse.

Ra’iisulwsaaraha ayaa ku eedeeyay madaxda Jubaland in markii lasoo gaaray fulinta heshiisyadaas ay diidden ayna ka kaceen madashii qaran.

Laakiin Wasiirka Warfaafinta ee Jubaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeymaha ra’iisulwsaaraha, isaga oo sheegay in dalku uu yahay federaal waxa laga wadahadlayana ay tahay in ay noqdaan wax loo wada dhanyahay heer walba.

“Shirka Wadatashiga Qaranka ee aan ka qeeybgalnay aragtida ay gadayeen xilligaas kuma aysan qanacsaneyn Jubaland, waana ay qaadacday shirkaas” ayuu yiri Cabdifitaax.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland ayaa ku adkeystay in aysan marna ogolaan doonin doorasho “muddo dhaaf ah”, dastuurka Jubaland uu ogolaanayo in ay doorasho qabsadaan.

DOwladda Soomaaliya ayaa horay u cadeysay doonisteeda ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse uma muuqato inay arrintani ka miro dhalayso Kismaayo, sida ay qabaan dadka ka faalooda siyaasadda gudaha.

Jubaland ayaa horay u caddeysay in doorasho qof iyo cod ah aysan suura gal ahayn inay ka dhacdo dalka iyadoo Madaxweyne Madoobe uu ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran isagoo sheegay in Jubaland aysan doonayn muddo kordhin.

Waxa ay sidoo kale dhawaan baahisay Jubbaland in ay xiriirkii wadashaqaynta u jartay dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa jira dadaalo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac in kasta oo aan wax xog rasmi ah aysan wali ka soo bixin dadaaladaas socda.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland

Guddiga qaban doona doorashada Jubbaland ayaa dhawaan waxay shaaciyeen in 25 ka bishaan ay qaban doonaan doorashada madaxweynaha halka maalmaha ka horeeyana ay dhici doonaan doorashooyinka guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Magaalada Kismaayo waxa ka socda xulista xildhibaannada barlamaanka cusube ee Jubaland ka hor waqtiga la shaaciyay in la qaban doono doorashada guddoonka baarlamaanka.

Dhanka kale murashaxiin sheegay in ay u taagan yihiin xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland ayaa iyana sheegay in ay qabsanayaan doorasho ka gaar ah tan uu qabanayo maamulka talada haya.

Waxaa iyana ay u muuqataa in dadaaladii waan waanta ahaa ee ay wadday dowladda Kenya aanay ilaa iyo hadda mira dhalin .

Lama ogo halka uu ku dhaman doono khilaafka dooarashada madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Jubaland, waxaase dad badani ka warhayaan khilaafayadii hore ee doorashada ee dhexmaray madaxdii hore ee Dowladda Federaalka iyo madaxda Jubaland in ay ku dhamaadeen inta badan sidii uu mar walba doonayey Axmed Maxamed Islaan ‘Madoobe’ oo Jubaland soo xukumayey tan iyo sanadkii 2013 kii.