Jubaland oo War Kasoo Saartay Caqabadaha Haysta Shirka Muqdisho

Jubbaland ayaa War ka soo saartay sababta uu furmi la’yahay shirkii la filayay in uu muqdisho uga furmo madaxda Dowladda Federaalka, Jubbaland & Puntland kaasi oo qorshuhu haa in Magaalada muqdisho uu ka furmo.

Agaasimaha Warfaafinta maamulka Jubbaland Mohamed Ahmed Sabriye ayaa war kasoo saaray isagoo sheegay in ay jiraan waxyaabo dhowr ah oo loo baahan yahay in si gaar ah loo eego, waxaana uu sheegay in ay jiraan caqabada heysata shirka Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Puntland iyo Jubbaland.

“Madaxweynaha Jubbaland Miiska wada hadalka kuma fadhiyo Jubbaland oo Gedo ka maqan tahay, wuxuu ku fadhiyaa Jubbaland-ta Guud, Heshiis guudna waxaa uu iman karaa marka Gedo gacanta Jubbaland lagu soo celiyo” ayuu yidhi afhayeenka u hadlay jubaland.

Waxaa uu sheegay in sababta keentay in xiligaan laga hadlo Gobolka Gedo ay tahay mid daba socota shirkii Dhuusamareeb2 oo uu sheegay in uu gogol xaar u ahaa doorasho dalka ka dhacada.

Isagoo eed xooggan u jeediyay Madaxda dowladda dhexe oo uu sheegay in shirku uu dhankooda ka fuli waayayn, waxaana  si gaar ah dowladda ugu eedeyay in ay fulin waayen waxyaabo la isku af-gartay shirkii Dhuusamareb2.

Madaxweyne Axmed Maddobe ayuu sheegay Afhayeenku in uusan Gobolka Gedo oo kaliya uusan Kursiga ugu fadhin, balse Kursiga uu ugu fadhiyo dhammaan Jubbland,waxaana shuruud addeg uu uga dhigay shirka muqdisho in dib gacanta Jubbland loogu soo celiyo guud ahaan Gobolka Gedo oo horay ay dowladda dhexe Ciidan ugu daaabushay

Leave a Reply